HomeWararWadooyinka qaar ee Muqdisho oo Maanta xiran

Wadooyinka qaar ee Muqdisho oo Maanta xiran

Date:

Related stories

Mucaaradka iyo Safiirka Turkiga oo ku shiraya hoyga Shariif Sheekh Axmed

Safiirka Turkiga iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka oo ku shiraya hoyga Sheekh Shariif.

Xog: Maxay tahay xarunta cusub ee ‘Halmeel’ ee maanta Golaha Wasiirradu ansixiyeen?

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey dhismaha xarunta adeegga mideysan ee "Halmeel".

Kuleylkii oo laga nastay: Roobka maanta ka da’ay Muqdisho oo dadku ku diirsadeen.

Dadweynaha oo si weyn u soo dhaweeyay nafiskan ka dib kulaylkii jiray.

Turkiga oo ka dhabeynaya ballantii: Ciidamada Soomaaliya oo helaya garab cusub oo toos ah.

Turkiga oo ballan-qaaday taageero toos ah oo ka dhan ah Al-Shabaab iyo Daacish.

Xog: Sirdoonka qaranka oo fashiliyay shirqool weyn oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe.

Hay’adda NISA oo kaashanaysa saaxiibada caalamiga ah ayaa howlgal dhabbagal ah ka fulisay Shabeellaha Dhexe.

Waxaa Inta badan Maanta Wadooyinkena ay xiran yihiin Magaalada Muqdisho,iyada oo lagu waday in uu furmo kulanka Golaha Shacabka Soomaaliya wallow codsi ka yimid Madaxweyne Farmaajo uu kulankaas u baaqday.

Wadooyinka ayaa waxaa lagu arkayaa Ciidamada Dowladda oo wata Gaadiidka dagaalka kuwaas oo Wadooyinka qaar u diidaya in ay maraan Gaadiidka noocyadiisa kala duwan waliba Gaadiidka qaar oo ay wataan Madaxda Dowladda.

Dadka Muqdisho qaarkood ayaa Dalsan waxa ay u sheegeen in Maanta ay cagtooda maalayaan,waxana Wadooyinka xiran ka mid ah Wadada Maka Al-Mukarama qeybo ka mid ah Wadada Wadnaha iyo Wadooyin kale oo muhiim ah.

In kastoo dowladda Soomaaliya aysan shaacin sababta Wadooyinka loo xiray ayaa hadana waxaa loo badinayay kulanka Golaha Shacabka ee lagu waday in uu Maanta furmo,waxaana Warar kale oo haatan soo baxaya ay sheegaayan in Wadooyinka intooda badan la furayo maadaama kulankii Baarlaamanka uu baaqday.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories