HomeWararSawirro:-Wasiir ka tirsan Puntland oo ka bad baaday Shil Gaari

Sawirro:-Wasiir ka tirsan Puntland oo ka bad baaday Shil Gaari

Date:

Related stories

Somaliland President Irro Set for Official Visit to Israel

Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi, known as Irro, is...

President Mohamud: Opposition lacks political vision since 2023

Somali President Hasan Sheikh Mohamud said opposition groups have...

Soomaaliya oo Urdun kaga wada hadashay caddaaladda kala-guurka

Soomaaliya oo Urdun kaga wada hadashay caddaaladda kala-guurka Cammaan, Urdun...

Three Officers Wounded as Al-Shabaab Strikes Elite SOG Base in Mandera

Three police officers sustained injuries when suspected Al-Shabaab fighters attacked a Special Operations Group (SOG) camp in Fino, located in Lafey Sub-County, Mandera County, on Friday night.

Somalia Gives Referee Omar Artan a Hero’s Welcome After U.S. Entry Denial

“What happened will not disappoint me, and I promise you that I will participate in the 2030 World Cup,” he said. He also urged Somali youth not to lose faith in their country or their passport.
- Advertisement -

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa waxa ay sheegayaan in duleedka degamaas uu ka dhacay shil gaari oo geystay khasaaro dhaawac iyo mid hantiyeed ah.

Gaariga shilka galay ayaa waxaa la socday Wasiir ku xigeenka Wasaarada Cadaalada Maamulka Puntland Cabdifitaaax Xassan Waloore,iyo masuuliyiin kale,kuwaas oo qaarkood la sheegay in ay shilkaas ku dhaawacmeen.

- Advertisement -

Shilkaan ayaa waxa uu ka dhacay meel aan ka fogeyn halka loo yaqaano 22aad oo ah Xeradda Ciidamada Darwiishta Puntland ee duleedka Magaalada Garoowe.

Inta la xaqiijiyay ilaa 3 Ruux ayaa shilkaas ku dhaawacantay oo uu ku jiro Wasiir ku xigeenka Wasaarada Cadaalada Maamulka Puntland Cabdifitaaax Xassan Waloore iyo laba qof  kale oo la socotay.

Goobta uu shilka ka dhacay ayaa ah Buundo labadii Sano ee la soo dhaafy uu dhismo ku socday,tas oo keentay in gaariga Wasiirka mid ah kamid lugaha ama Taayaarada ay baxdo sidaasna uu ku rogmaday.

- Advertisement -

Dadkii shilkaas ku dhaawacmay ayaa lagu daweynayaa Isbitaalka Magaalada Garoowe,mana jirto wax dhimasho ah oo ka dhashay shilkaas sida uu Dalsan u sheegay mid ka mid ah Wariyayaasha ka howlgalla Magaalada Garoowe.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories