HomeWararDhageyso:-Gudoomiye Yariisow iyo Taliyayaasha Ciidamada oo kormeeray Isgoysyada qaar ee Muqdisho+Sawiro

Dhageyso:-Gudoomiye Yariisow iyo Taliyayaasha Ciidamada oo kormeeray Isgoysyada qaar ee Muqdisho+Sawiro

Date:

Related stories

Somalia Gives Referee Omar Artan a Hero’s Welcome After U.S. Entry Denial

“What happened will not disappoint me, and I promise you that I will participate in the 2030 World Cup,” he said. He also urged Somali youth not to lose faith in their country or their passport.

Musharax Galmudug Liban Axmed oo $50,000 ku wareejiyay garsoore Cumar Artan

Musharax Galmudug oo $50,000 ku wareejiyay garsoore Cumar Artan Muqdisho,...

Aadan Madoobe oo xilka la wareegay Koonfur Galbeed

Aadan Madoobe oo xilka la wareegay Koonfur Galbeed Baydhabo, 11...

Taliyeyaasha SNA & Booliiska oo kormeeray TURKSOM

Taliyeyaasha ciidamada oo kormeeray Kulliyadda TURKSOM Muqdisho, 11 Juun 2026 –...
- Advertisement -

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho oo ay wehlinayeen Taliyayassha Ciidamada Boolis iyo Nabad-Sugida iyo gudoomiye ku xigeenka dhanka Amniga iyo Siyaasada Gobolka Banaadir ayaa xalay kormeeray Isgoysyo ku yaalla Magaalada Muqdisho.

Isgoysyada ay xalay masuuliyiintan kormeerka ay ku samaeyen ayaa waxaa ka mid ah Baar Ubax, Cali Kamiin, Warshada Caanaha, Ex Koontarool Balcad, Saldhigga degmada Huriwaa, Suuqa Xoolaha Illaa Xero Maslax,waxaana masuuliyiintu ay sheegeen in kormeerku uu ahaa mid lagu koontorolayay Amniga Caasimadda.

- Advertisement -

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng, Cabdiraxman Cumar Cismaan Yariisow ayaa sheegay in Isgoysyadii ay kormeeren ay ku arkeyn ciidamo heegan ku jira kuwaas oo amniga xaqiijinayay.

Waxa uu sheegay in ujeedka kormeerkoodu uu ahaa in wararka sheegaya in amnidarro ay ka jirto Muqdisho aan bulshada tusno in aan waxba ka jirin,shacabka iyo ciidankana ay ahaayeen kuwo wadashaqeynayay.

Ugu dambeyn waxa uu ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in ay sugida amniga kala Shaqeeyaan Ciidamada si amniga Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho uu u noqdo mid amni ah.

- Advertisement -

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Bashiir Cabdi Maxamed ayaa isna sheegay in kormeerkan uu dhiiragelin u yahay ciidamada had iyo jeer u taagan sugida Amniga Caasimadda.

Hoos Ka Dhageyso Codadka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories