HomeWararDuqa Cusub ee Muqdisho oo la kulmay Safiirka Turkiga u fadhiya Somaliya

Duqa Cusub ee Muqdisho oo la kulmay Safiirka Turkiga u fadhiya Somaliya

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) oo la kulmay Safiirka Turkiga u jooga Soomaaliya Amb. Olgan Bekar, ayaa kala hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan xaaladda dalka gaar ahaana gobolka Banaadir. Amb. Olgan Bekar ayaa ugu horeyn u hambalyeeyay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir Eng. Yariisow, waxaana uu xusay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) oo la kulmay Safiirka Turkiga u jooga Soomaaliya Amb. Olgan Bekar, ayaa kala hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan xaaladda dalka gaar ahaana gobolka Banaadir.

Amb. Olgan Bekar ayaa ugu horeyn u hambalyeeyay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir Eng. Yariisow, waxaana uu xusay in uu jiro xiriir aad u wanaagsan oo ka dhaxeeya dowladaha Turkiga iyo Soomaaliya, islamarkaana si gaar ah ay ula shaqeeyaan dowladda Hoose ee Muqdisho.

- Advertisement -

Waxaa uu sheegay inay ka wada hadleen baahiyaha dadka Muqdisho, iyadoo Turkiga uu ka mid tahay taageeraha ugu weyn ee dowladda Soomaaliya, horayna mashaariic horumarineed ka fuliyay Muqdisho, sida dhismaha waddooyinka, xarumo caafimaad iyo kuwo waxbarasho.

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay kulanka Safiirka, isagoo xusay inay dardar gelin doonaan xiriirka wadashaqeyneyd ee u dhaxeeya Safaaradda Turkiga iyo Gobolka Banaadir.

Waxaan u mahadcelinayaa Safiirka Turkiga Olgan Bekar oo aan ka wadahadalnay dardargelinta xiriirka Gobolka Banaadir iyo Turkiga Turkish Embassy in Mogadishu”ayuu yiri gudoomiye Yariisow.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts