HomeWararMaxay Saxaafadda Imaaraadka Ka qoreen safarkii Madaxweynaha ee Imaaraadka Carabta?

Maxay Saxaafadda Imaaraadka Ka qoreen safarkii Madaxweynaha ee Imaaraadka Carabta?

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Wargeysyada iyo wakaalada dalalka Carabta ayaa shalay ilaa iyo xalay falanqeynayay safarkii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku tagay dalka Imaaraadka Carabta. Sheikh Mohamed bin Zayed dhaxal sugaha Imaaradda Abu Dubey, ahna ku xigeenka taliya ciidamada Qalabka sida ee Imaaraatka, ayaa kusoo dhaweeyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Qasriga Shaadi’, isaga iyo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wargeysyada iyo wakaalada dalalka Carabta ayaa shalay ilaa iyo xalay falanqeynayay safarkii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku tagay dalka Imaaraadka Carabta.

Sheikh Mohamed bin Zayed dhaxal sugaha Imaaradda Abu Dubey, ahna ku xigeenka taliya ciidamada Qalabka sida ee Imaaraatka, ayaa kusoo dhaweeyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Qasriga Shaadi’, isaga iyo wafdiga uu hoggaaminayo.

- Advertisement -

Waxay ka wada hadleen dhaxalsugaha iyo Madaxweynaha xidhiidhka labada waddan ee walaalaha ah iyo sidii loo horumarin lahaa, waxyaabaha u adeegaya danaha labada wadan iyo shacab.

Qodobada xoogga la saaray ee laga wada hadlay waxaa ugu muhiimsanaa arrimaha  horumarka, weliba barnaamijyada gargaarka iyo samafalka iyo mashaariicda dib-udhiska ee ay waddo Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta.

Sidoo kale, waxaa laga wada hadlay in la iska kaashado la dagalaallanka Argagaxisada iyo kooxaha hubaysan iyo sidii si wadajir ah looga shaqeyn lahaa amniga iyo degenaanshaha dhulka Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Waxaa Madaxweynaha Soomaaliya uga warbixiyey dhaxalsugaha Imaaradda Abu Dubay xaaladihii ugu danbeeyey iyo horumarada ay Dowladdiisu ka sameysay la dagaalanka Argagaxisada iyo ka hortegidda kooxaha hubaysan ee caqabada ku ah ammaanka iyo horumarka Soomaaliya.

Sheikh Mohamed bin Zayid wuxuu xoojiyey in Dowladdiisa ay diyaar u tahay mar walba caawimaadda Shacabka Soomaaliyeed iyo dhisidda Hayadaha Dowladda iyo Nabadgelyada iyo deganaanshaha dalka. Wuxuuna u rajeeyey Dowladda Soomaaliya ee aan walaalaha nahay horumar iyo inaan iska kaashanno mar walba dib-udhiska iyo horumarinta Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale uga  mahadceliyey Dowladda Imaaraadka mowqifyada iyo garab istaagga ay markasta diyaarka ugu tahay sidii Soomaaliya ay ugu soo noqon lahayd Dowlad xooggan, amni ahaan iyo horumar ahaanba.

Sidoo kale, labada masuul waxay ka wada hadleen waxyaabaha kasoo kordhay gobolka iyo caalamka, iyo qaddiyaha labada dal mideeya.

Sheekh Maxamed Bin Zayed ayaa bartiisa twitter ka soo dhigay kulanka madaxweynaha iyo in ay isla qaadaa dhigeen xoojinta xiriirka labada iyo arrimaha gobolka.

Si kastaba, booqashada Madaxweynaha ee Imaaraadka ayaa meesha ka saaraysa mugdiyo hore u jiray. Warar lagu kalsoonaan karo waxa ay sheegayaan in dowladda Imaaraadka ay bilaha soo socdo labo jibaareyo hawlaha ay Soomaaliya ka hayso oo ay ugu horreeyaan dibu dhiska ciidamada, gargaarka iyo mashaariicda horumarinta. Waxaa kale oo jira mashaariic horumarineed iyo kaalmo dhaqaale in loo ballan qaaday Madaxweyne Farmaajo.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts