HomeMaqalDhageyso:-Meydad horleh oo laga soo saaray Gudaha Hotelka Naasa-Hablood 2

Dhageyso:-Meydad horleh oo laga soo saaray Gudaha Hotelka Naasa-Hablood 2

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Waxaa sii kordhaya khasaaraha uu geestay weerarkii lagu qaaday hotelka Naasa-Hablood 2 ee degmada Xamarweyne Gobolkaan Banaadir. Weli waxaa socda Gurmadka lagu soo saarayo dadkii ku waxyeeloobay weerarkaas,dhismayaasha Hotelka oo qaarkood burbursan ayaa waxaa xiligaan laga soo saarayaa Meydadka dadkii Hotelka deganaa oo Shacab u badnaa iyo Masuuliyiin intaba. Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa […]

- Advertisement -

Waxaa sii kordhaya khasaaraha uu geestay weerarkii lagu qaaday hotelka Naasa-Hablood 2 ee degmada Xamarweyne Gobolkaan Banaadir.

Weli waxaa socda Gurmadka lagu soo saarayo dadkii ku waxyeeloobay weerarkaas,dhismayaasha Hotelka oo qaarkood burbursan ayaa waxaa xiligaan laga soo saarayaa Meydadka dadkii Hotelka deganaa oo Shacab u badnaa iyo Masuuliyiin intaba.

- Advertisement -

Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa Goobta ku sugan kuwaas oo ilaalinaya dhaq dhaqaaqa,waxaana xalay ilaa saakay Waaberigii ka dhacayay Gudaha Hotelka Bambaanooyin iyo rasaas oo ay isku ridayeen Ciidamada amniga iyo Ragii soo weeraray ee Al-Shabaab wallow weerarkaas saakay la soo gaba gabeeyay.

5 Rag ayaa la sheegay in ay ahaayeen dadkii weeraray Hotelka in kastoo warar kale ay sheegayaan in ay gaarayeen ilaa 7 Ruux,kuwaas oo xiliga ay hotelka ku jireen laga maqlayay iyaga oo ku dhawaaqaya Takbiirta halka dadka ay tooganayeen dhankooda ay qeylinayeen sida uu sheegay qof Shacab ah oo Hotelka ku jiray.

Hoos Ka Dhageyso Codka Goobjoogaha

- Advertisement -

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories