HomeWararAkhriso:-Wararkii u dambeeyay ee dagaalkii Koontoroolka Kalabeyr

Akhriso:-Wararkii u dambeeyay ee dagaalkii Koontoroolka Kalabeyr

Date:

Related stories

Muqdisho Oo Shaacisay Natiijada Fasalka 8aad 2025-2026

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay natiijada imtixaanka Fasalka 8aad, iyadoo saddex arday lagu dhawaaqay inay kaalmaha ugu sarreeya galeen, lana guddoonsiiyay abaalmarinno.

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Aroornimadii hore ee Saakay ayaa rag loo maleynayo in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab waxa ay weerar ku qaadeen koontoroolka Ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku sugan yihiin ee Kalabeyr oo 24km duleedka kaga began Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan. Dagaalka oo socday in ka badan Saacad ayaa la sheegay in ay Al-Shabaab Ciidamadii dowladda […]

- Advertisement -

Aroornimadii hore ee Saakay ayaa rag loo maleynayo in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab waxa ay weerar ku qaadeen koontoroolka Ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku sugan yihiin ee Kalabeyr oo 24km duleedka kaga began Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Dagaalka oo socday in ka badan Saacad ayaa la sheegay in ay Al-Shabaab Ciidamadii dowladda ee ku sugnaa kala wareegeen, sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka deegaanka oo Magacooda iyo codkooda diiday in qalabka Warbaahinta loo adeegsado.

- Advertisement -

Inta la ogyahay waxaa dagaalka ku geeriyooday afar askari oo ka tirsan ciidamada dowlada halka labo kalena lagu dhaawacay sida ay dadka deegaanka Dalsan u sheegeen.

Lama oga dhankooda khasaaraha ka soo gaaray dagaalkaas Al-Shabaab, waxana warar ay ku qoreen baraha Internet-ka ay ku sheegeen in dagaalkaas lagu dilay 6 Askari sidoo kalena Saanad Milateri ay ku qabsadeen.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa waxa ay sheegayaan in hadda halkaasi ay dhaqdhaaqqyo ciidan ay ka wadaan Ciidamada dowladda Soomaaliya kuwaas oo ka tagay Magaalada Baladweyne.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories