HomeWararMuwaadin Maraykan ah oo qirtay inuu ka mid ahaa Dagalaamayaasha Alshabaab

Muwaadin Maraykan ah oo qirtay inuu ka mid ahaa Dagalaamayaasha Alshabaab

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Maalik Jones oo 32-jir ah ayaa shalay la soo taagay Maxkamadda Federalka ee magaalladda New York, wuxuuna qirtay inuu u socdaalay Somalia, kana mid noqday Dagaalamayaasha Alshabaab. Dacwad-oogayaasha ayaa sheegay inuu Eedeysanaha tababar iyo taageero siiyey Xarakadda Alshabaab, isla markaana uu Alshabaab ka tirsanaa muddaii u dhexeysay bishuu August ee sannadkii 2011-kii ilaa bishii December […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Maalik Jones oo 32-jir ah ayaa shalay la soo taagay Maxkamadda Federalka ee magaalladda New York, wuxuuna qirtay inuu u socdaalay Somalia, kana mid noqday Dagaalamayaasha Alshabaab.

Dacwad-oogayaasha ayaa sheegay inuu Eedeysanaha tababar iyo taageero siiyey Xarakadda Alshabaab, isla markaana uu Alshabaab ka tirsanaa muddaii u dhexeysay bishuu August ee sannadkii 2011-kii ilaa bishii December ee sannadkii 2015-kii.

- Advertisement -

Dowladda Federalka ayaa ku wareejisay Dowladda Maraykanka ninkaasi bishii December ee sannadkii 2015-kii, kadib, markii laga soo qabtay duleedka magaalladda Baraawe, xilli uu doonayey inuu u safro dalka Yemen.

Dukumentiyadda loo gudbiyey Maxkamadda Federalka ayaa lagu sheegay inay Saraakiisha FBI-da ogaadeen in Maalik Jones lagu dhaawacay dagaal ay Alshabaab la galeen Ciiddanka Kenya ee ku sugan gudaha Somalia.

Maalik Jones waxaa lagu eedeeyey inuu ku-dhawaad 4 sanno qeyb ka ahaa Kooxda COMMANDO ee Dagaalamayaasha Alshabaab, wuxuuna ka qeyb galay dagaal lagu dilay 2 Askar Kenyan ah sannadkii 2015-kii, waa sida ay FBI-da sheegeen

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts