HomeWararKhasaaro ka dhashay Gaari lagu rasaaseeyay Shabeellaha Hooso

Khasaaro ka dhashay Gaari lagu rasaaseeyay Shabeellaha Hooso

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Saddex ruux oo shacab ah ayaa ku geeriyootay kadib markii dabley hubaysan ay rasaas la dhaceen gaari dad shacab ah ay saarnaayeen oo maraayay duleedka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha hoose. Gaarigaan ayaa lagu soo waramayaa inuu ku dhacay meel Isbaaro ay taalay, laakiin horay aanan loogu ogeyn, iyadoo wadihii gaariga uu qaatay go’aan ah […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Saddex ruux oo shacab ah ayaa ku geeriyootay kadib markii dabley hubaysan ay rasaas la dhaceen gaari dad shacab ah ay saarnaayeen oo maraayay duleedka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha hoose.

Gaarigaan ayaa lagu soo waramayaa inuu ku dhacay meel Isbaaro ay taalay, laakiin horay aanan loogu ogeyn, iyadoo wadihii gaariga uu qaatay go’aan ah inuusanba istaagin.

- Advertisement -

Dableydii Isbaarada meesha u taalay ayaa rasaas la dhacay gaarigii, markii uu jiiray Isbaarada, waxaana intaasi kadib dhacday inay halkaasi ku geeriyoodaan saddex ruux oo gaariga saarnaa.

Maydadka saddexda ruux ee geeriyootay ayaa la gaarsiiyay Isbitaalka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha hoose, halkaasi oo illaa hadda lagu soo waramaayo inay yaalaan.

Isbaarooyinka ayaa si aad ah ugu badan Gobolka Shabellaha hoose oo Kooxaha manaxayaasha ah dadka ay si aad ah ugu dhibaateeyaan.

- Advertisement -

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts