HomeWararMareykanka oo Sheegay inay Dileen Xubin ka mid ahaa Al-Shabaab

Mareykanka oo Sheegay inay Dileen Xubin ka mid ahaa Al-Shabaab

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Warsaxaafadeed uu soo saaray taliska ciidamada Maraykanka ee Qaaradda Afrika ee Africa Command ayaa lagu sheegay in 29-kii bishan July ay Mareykanka Soomaaliya ka fuliyeen howl-gal lagu dilay xubin ka tirsanaa Al-shabaab. “Wasaaradda Gaashaandhigga ee Maraykanka, ka dib markii ay heshay warar lagu hawl-gali karo iyo sirdoon sax ah, waxay qaadday weerar guuleystay, kaas oo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Warsaxaafadeed uu soo saaray taliska ciidamada Maraykanka ee Qaaradda Afrika ee Africa Command ayaa lagu sheegay in 29-kii bishan July ay Mareykanka Soomaaliya ka fuliyeen howl-gal lagu dilay xubin ka tirsanaa Al-shabaab.

“Wasaaradda Gaashaandhigga ee Maraykanka, ka dib markii ay heshay warar lagu hawl-gali karo iyo sirdoon sax ah, waxay qaadday weerar guuleystay, kaas oo ay ku dishay hal mintid oo ka tirsanaa ururka Al-Shabab.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

- Advertisement -

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in wax dhibaato ah ayna dadka shicibka ah kasoo gaarin weerarkan.

Warsaxaafadeedka waxa lagu xusay in hawlgalku uu ka dhacay meel u dhow deegaanka Tooratoorow ee koonfurta Soomaaliya.

Warsaxafadeedku waxa kale oo uu sheegay in weerarka la qaaday ka dib markii iskaashi lala sameeyey xulufada gobolka, iyada oo lagaga hortagayo falalka Al-Shabab oo ay ku jiraan weerarada uu ururkaasi dhawaan ku qaaday ciidanka Soomaaliya.

- Advertisement -

“Waan sii wadaynaa wada shaqeynta aan la leenahay Soomaalida iyo xulufadeena si aan u burburino Al-Shabaab, isla markaana aan kaalin uga geysano deganaanshaha iyo amniga gobolka oo dhan.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts