HomeWararMaraykanka oo lagu xukumay Haweeney Soomaali lagu soo oogay inay taageertay Alshabaab

Maraykanka oo lagu xukumay Haweeney Soomaali lagu soo oogay inay taageertay Alshabaab

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Amina Mohamoud Essa oo 43-jir ah ayaa shalay lagu xukumay Xabsi 5 sanno ah, kadib, markii lagu soo oogay inay Taageero Dhaqaale u xawishay Xarakadda Alshabaab. Haweeneydaasi oo deggan Gobalka Minnesota ayaa la sheegay in lagu xukumay Xukun Debecsan, kadib, markii ay la shaqeysay Baarayaasha, iyadoo muteysan lahayd xabsi 15-sanno ah. Iskaashigeeda ayaa la sheegay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Amina Mohamoud Essa oo 43-jir ah ayaa shalay lagu xukumay Xabsi 5 sanno ah, kadib, markii lagu soo oogay inay Taageero Dhaqaale u xawishay Xarakadda Alshabaab.

Haweeneydaasi oo deggan Gobalka Minnesota ayaa la sheegay in lagu xukumay Xukun Debecsan, kadib, markii ay la shaqeysay Baarayaasha, iyadoo muteysan lahayd xabsi 15-sanno ah.

- Advertisement -

Iskaashigeeda ayaa la sheegay inay ku jireen ku-dhawaad 60-Kulan iyo Wicitaan Telefoon oo ay la yeelatay Maamulayaasha.

Waxay kaloo markhaati ka noqotay xubnaha Shabakadda Haweenka ee ay ka mid ahayd, kuwaasi oo ururiyey 4,000 oo Dollar oo ay ku taageereen Alshabaab, waa sida lagu xusay Qoraalka ka soo baxay Baarayaasha FBI-da Maraykanka.

- Advertisement -

Amina Mohamoud Esse waxay sannadkii 2014-kii qiratay inay  Alshabaab  ku taageer, waxayna ku markhaati furtay  Haween kale oo ku lug lahaa Lacagaha loo diray Alshabaab, kuwaasi oo kala ah Muna Osman Jama, oo lagu xukumay Xabsi 12-sanno iyo  Hinda Osman Dhirane, 46, oo lagu xukumay  11-sanno.

Dhinaca kale, Kaaliyaha Xeer-ilaaliyaha Maraykanka, Charles Kovay ayaa sheegay inay Amina Mohamoud Esse tahay qofkii 21-aad ee ku nool Gopbalka Minnesota oo xukun ku muteystay Kiisaskaasi  5-tii sanno ee la soo dhaafay.

©Radio Dalsan

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts