HomeWararDaacish iyo Alqaacida oo la hadal-hayo inay midoobi doonaan

Daacish iyo Alqaacida oo la hadal-hayo inay midoobi doonaan

Date:

Related stories

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

Madaxweyne-ku-xigeenka dalka Iraq, Ayaad Calaawi ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi uu siiyey mid ka mid ah Warbaahinta dalkaasi, wuxuuna xusay inay Daacish wada-xaajood la bilaabeen Al-qaacida, oo ay suurto-gal tahay inay yeeshaan Isbahaysi. Waxa uu tilmaamay inuu warkaasi ka helay xiriiro lala sameeyey dad aqoon u leh Arrimaha Iraq. “Wada-xaajoodka haatan ayuu bilowday, waxaana jira […]

- Advertisement -

Madaxweyne-ku-xigeenka dalka Iraq, Ayaad Calaawi ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi uu siiyey mid ka mid ah Warbaahinta dalkaasi, wuxuuna xusay inay Daacish wada-xaajood la bilaabeen Al-qaacida, oo ay suurto-gal tahay inay yeeshaan Isbahaysi.

Waxa uu tilmaamay inuu warkaasi ka helay xiriiro lala sameeyey dad aqoon u leh Arrimaha Iraq.

- Advertisement -

“Wada-xaajoodka haatan ayuu bilowday, waxaana jira La-tashiyo iyo wada-xaajood u dhexeeya Wakiilo matala Hoggaamiyaha Al-qaadcida, Ayman Al-zawaahiri iyo dhigiisa Daacish, Abu Bakar Al-baqdaadi.

Daacish waxay ka soo faruurmeen Al-qaacida sannadkii 2014-kii, iyadoo Ayman Al-zawaahiri si toos ah u naqdiyey Falalka Daacish ee ay dadka ku dilaan, sida qoor-goynta, dadka oo biyaha lagu hafiyo ilaa ay ka dhintaan iyo  dadka lagu dhex gubo Xayndaab Shabaq ah.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Ku-xigeenka Madaxweynha Iraq, Ayaad Calaawi waxa uu carrabka ku dhuftay inuusan ogeyn qaabka ay Daacish iyo Al-qaacida si wadjir ah ugu wada shaqeyn karaan.

©Radio Dalsan

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories