HomeWararAskari Kenyan oo ay Alshabaab gacanta ku hayaan oo Farriin u diray...

Askari Kenyan oo ay Alshabaab gacanta ku hayaan oo Farriin u diray Madaxda dalkaasi.

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Muuqaal Video oo ay Alshabaab baahiyeen Axaddii la soo dhaafay ayuu Askrigaasi oo lagu magacaabo David Ngugi waxa uu Taageero weydiistay Madaxweynh Kenya, Uhuru Kenyatta iyo Xaaskiisa iyo xubno kale. Askarigaasi oo xirnaa Labiska Milliteriga Kenya waxa uu si gaar ah uga codsaday Madaxweyne Uhuru Kenyatta inuu hubaal ka dhigo sidii loo sii dayn lahaa […]

- Advertisement -

Muuqaal Video oo ay Alshabaab baahiyeen Axaddii la soo dhaafay ayuu Askrigaasi oo lagu magacaabo David Ngugi waxa uu Taageero weydiistay Madaxweynh Kenya, Uhuru Kenyatta iyo Xaaskiisa iyo xubno kale.

Askarigaasi oo xirnaa Labiska Milliteriga Kenya waxa uu si gaar ah uga codsaday Madaxweyne Uhuru Kenyatta inuu hubaal ka dhigo sidii loo sii dayn lahaa isaga iyo Askarta kale ee la xiran.

- Advertisement -

Askariga oo Iley ah waxa uu si gaar ah ula hadlay Marwada 1-aad ee dalka Kenya oo uu u sheegay inay tahay Hooyadooda, isla markaana ay ku xisaabtamaan.

Waxa uu intaasi ku daray inay Madaxweyne Uhuru ugu celceliso inay iyagu La-hayste yihiin.

Sidoo kale waxa uu ugu baaqay Dadweynaha inay Dowladda Kenya ku cadaadiyaan sidii ay u taageeri lahaayeen Askarta maxbuuska u ah Alshabaab.

- Advertisement -

Askarigaasi oo ay Dagaalamayaasha Alshabaab ku soo qabteen Hawlgalkii ay sannadkii hore ku qaadeen Xeraddii ay Ciiddanka Kenya ku lahaayeen Deegaanka Ceel-cadde ee Gobalka Gedo ayaa sheegay inay Alshabaab la dagaalameen sannadkii hore, balse Ciiddankiisa loo itaal-sheegtay.

Waxa kale oo uu tilmaamay in Askar badan lagu dilay weerarkaasi, halka kuwo kalena Maxaabiis ahaan loo qabtay.

Weerarkaasi dhacay bishii January ee sannadkii hore waxaa lagu dilay ugu yaraan 180-Askari, halka tiro kalena ay Alshabaab gacanta ku dhigeen.

Wargeyska The Star ayaa ka soo xigtay Ilo-wareed inay 240-Askar Kenyan ah ku sugnaayeen Xeradda Ceel-cadde markii ay Alshabaab soo weerareen.

©Radio Dalsan

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories