HomeWararMadaxweyne Farmaajo iyo Madaxda Carabta oo Shirweyne ku yeelanaya dalka Urdun

Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda Carabta oo Shirweyne ku yeelanaya dalka Urdun

Date:

Related stories

Arab League slams Somaliland office opening in Jerusalem

Arab League Secretary-General Ahmed Aboul Gheit has condemned the...

Commander ousted after reported refusal to deploy troops

- Somali President Hassan Sheikh Mohamud has removed the...

Pirate attacks on two commercial ships thwarted off Somalia

Armed pirates attacked two commercial vessels in separate incidents...

Race intensifies for Somalia Lower House speaker post

Competition is intensifying for the position of Speaker of...
- Advertisement -

Hoggaamiyayaasha Dowladaha xubnaha ka ah Ururka Jaamacadda Carabta ayaa la filayaa inuu Shir-sannadeedkooda maanta uga furmo magaalladda Suweymah ee kaabiga ku haysa Badda Dhimatay (Dead Sea) ee dalka Urdun

Kulankaasi ayaa lagu wadaa inuu furmo  11-ka barqanimo ee maanta, waxayna Hoggaamiyayaasha kaga hadli doonaan Xalinta Colaadaha ay Kooxaha Daacish iyo Alqacida ka wadaan dalalka Carabta.

- Advertisement -

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka mid ah 22-ka Hoggaamiye ee ka qeyb geli doona Shirkaasi oo diiradda lagu saarayo Xiisadaha ka aloosan dalalka Carabta, gaar ahaan Somalia, Syria, Yemen, Iraq, Iiran iyo Libya.

Boqorka dalka Maroko, Maxamedka 6-aad ayaa markii ugu horreysay ka qeyb galayo Shirka Carabta tan iyo sannadkii 2005-tii.

Wafuudda Caalamiga ee ka qeyb geli doonta Shirka Carabta waxaa ka mid ah Xoghayaha Guud ee QM, Antonio Guterres iyo Wakiilkiisa Gaarka ee Arrimaha dalka Syria, Staffan de Mistura, waxaana Shirkaasi lagu casuumin Madaxweynaha dalka Syria, Bashaar Alasad, maadaama  Xubinnimadda Dowladda Syria ee  Ururka Jaamacadda Carabta laga saaray sannadkii 2011-kii.

- Advertisement -

Xoghayaha Guud ee QM, Antonio Guterres waxa uu shalay ugu baaqay Madaxda Carabta inay meel iska dhighaan Khilaadkooda ku aadan Colaadda dalka Syria, oo ay ku naf waayeen in ka badan 320,000 oo qof, kuna barakaceen Malaayiin kale.

Xoghayaha Guud ee Ururka JC, Axmed Abu Khayt waxa uu isagana ugu baaqay Hoggaamiyayaasha Carabta inay door muhiim ah ka qaataan sidii xal loogu heli lahaa Dagaalka Syria, oo uu ku tilmaamay inuu noqday Xiisadda ugu xun ee ka jirta Mandiqadda.

Dhinaca kale, Shir Madaxeedka Carabta ee maanta ka furmayo dalka Urdun ayaa la filayaa in la soo hordhigo War-murtiyeed qabyo ah oo lagu cambaaraynayo Qorshaha Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ee uu ku doonayo inuu Safaaradda Maraykanka ku leeyahay Yuhuudda loo soo wareejiyo magaalladda Quddus-ta la-haysto

©Radio Dalsan

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories