HomeWararDEGDEG: Murashax Madaxweyne C/raxmaan Farroole oo ka tanaasulay Doorashadda Madaxweynenimo.

DEGDEG: Murashax Madaxweyne C/raxmaan Farroole oo ka tanaasulay Doorashadda Madaxweynenimo.

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Murashax Madaxweyne C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa ku dhawaaqay inuu ka tanaasulay Doorashadda Madaxweynaha JFS oo lagu wado in berri loo codeeyo. C/raxmaan Faroole oo Shir Jaraa’id ku qabtay Muqdisho waxa uu ku baaqay in la yareeyo tirada Murashixiinta ee aadka u badan. Siyaasiga C/raxmaan Faroole oo mar soo noqday Madaxweynaha Maamul-gobaleedka Puntland ayaa hadalkaasi […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Murashax Madaxweyne C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa ku dhawaaqay inuu ka tanaasulay Doorashadda Madaxweynaha JFS oo lagu wado in berri loo codeeyo.

C/raxmaan Faroole oo Shir Jaraa’id ku qabtay Muqdisho waxa uu ku baaqay in la yareeyo tirada Murashixiinta ee aadka u badan.

- Advertisement -

Siyaasiga C/raxmaan Faroole oo mar soo noqday Madaxweynaha Maamul-gobaleedka Puntland ayaa hadalkaasi ku dhawaaqay, kadib, markii uu xalay Kulan-wadareed la yeeshay qaar ka mid ah Murashixiinta ugu miisaanka culus ee Doorashadda Madaxtinimadda.

Waa Murashixii 2-aad ee ku dhawaaqa inuu ka tanaasulay Doorashada Madaxtinimadda JFS.

Ma cadda sababaha rasmiga ee uu Murashaxa u tanaasulay, balse, ilo lagu kalsoon yahay ayaa waxay sheegayaan inuu u tanaasulay Murashax Madaxweyne Sheekh Shariif oo ay Isbahaysi dhow leeyihiin.

- Advertisement -

Xalay ayey ahayd, markii ay 20 Murashax Madaxweyne sheegeen inay samaysteen Isbahaysi si uu mid ka mid ah Murashixiinta loogu taageero inuu ku guuleysto Doorashadda Madaxweynaha.

Murashixiintaasi Isbahaysiga yeeshay ayaa shaaciyey inay doonayaan Isbedel cusub oo ku yimaada Madaxtinimadda Somalia.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaan ka mid ahayn Isbahaysiga ay ku mideysan yihiin 20-ka Murashax.

©Radio Dalsan

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts