HomeWararAlshabaab oo beeniyey Eedeyn ay Dowladda Kenya soo jeedisay.

Alshabaab oo beeniyey Eedeyn ay Dowladda Kenya soo jeedisay.

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Hadal-qoraal oo ka soo baxay Xarakadda Alshabaab ayey ku beeniyeen warar ay Boliska dalkaasi ku sheegeen inay Alshabaab horey u sii qaateen Qalabka Diiwaan-gelinta Doorashadda ee yaallay Xero Boliska ku leeyihiin Deegaanka Arabia oo 100-KM u jirta Degmadda Mandera. Wargeyska The Nation ee ka soo baxa Nairobi ayaa qoray inay Idaacadda ku hadasha Afka Xarakadda […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Hadal-qoraal oo ka soo baxay Xarakadda Alshabaab ayey ku beeniyeen warar ay Boliska dalkaasi ku sheegeen inay Alshabaab horey u sii qaateen Qalabka Diiwaan-gelinta Doorashadda ee yaallay Xero Boliska ku leeyihiin Deegaanka Arabia oo 100-KM u jirta Degmadda Mandera.

Wargeyska The Nation ee ka soo baxa Nairobi ayaa qoray inay Idaacadda ku hadasha Afka Xarakadda Alshabaab ee Andulus baahisay Warka ku aadan Beenintaasi, waxaana lagu tilmaamay inay Dowladda Kenya uga dan leedahay Borobogaando.

- Advertisement -

 

Qoraalka waxaa lagu xusay inaysan been abuur tahay Eedeyntaasi iyo inay Dagaalamaayaasha Alshabaab soo qaateen qaar ka mid ah Qalabka Doorashadda ee loo yaqaano BVR.

- Advertisement -

“Dowladda Kenya waa inay joojisaa beenta ay ka sheegayaan Qalabka  Diiwaan-gelinta ee BVR. Waxaa run ah inay Mujaahidiinta weerareen Xero Bolis, kana soo qabsadeen Gaadiid, dhowr qori iyo rasaas badan” ayaa lagu yiri hadalka ka soo baxay Alshabaab.

Hadalka ay Xarakadda Alshabaab ku beeniyeen arrintaasi ayaa timid, kadib, markii uu Taliye-xigeenka Boliska Degaanka Lafey ee W/bari Kenya, Eric Oronyo sheegay in waxyaabaha ay Dagaalamayaasha Alshabaab ka qaateen Xeradda Boliska ku leeyihiin Deegaanka Arabia ka mid ahaayeen Qalabka Diiwaan-gelinta Doorashadda, waa sida uu hadalka u dhigay.

Khamiistii  la soo dhaafay, Dagaalamayaasha Alshabaab waxay weerareen Xeradaasi, iyadoo 21-kii Askari ee Boliska Kenya ee halkaasi joogay ka firxadeen Xerada, kana carareen hubkooda.

Xigasho: Daily Nation

©Radio Dalsan

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts