HomeWararMusharax Madaxweyne Ambassador Mohamed Ali Ameriko oo sheegay inuu xaallada Somalia caadi...

Musharax Madaxweyne Ambassador Mohamed Ali Ameriko oo sheegay inuu xaallada Somalia caadi ku soo celin doono.

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Danjirihii hore ee Somalia u fadhin jirey dalka Kenya, Amnbassador Mohamed Ali Americo ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi Khaas ah oo uu siiyey Wargeyska The Standard ee ka soo baxa magaalladda Nairobi, wuxuuna shegay inuu isku arko inuu isagu yahay Hoggaamiyaha ugu fiican ee dalka Somalia ui horseedi kara dhul Doog ah iyo in lagu […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Danjirihii hore ee Somalia u fadhin jirey dalka Kenya, Amnbassador Mohamed Ali Americo ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi Khaas ah oo uu siiyey Wargeyska The Standard ee ka soo baxa magaalladda Nairobi, wuxuuna shegay inuu isku arko inuu isagu yahay Hoggaamiyaha ugu fiican ee dalka Somalia ui horseedi kara dhul Doog ah iyo in lagu guuleysto dagaalka socda ee lagula jiro Xarakadda Alshabaab, waa sida uu hadalka u yiri.

Musharax Ambassador Mohamed Ali Ameriko oo ah 54 jir aabe u ah 8 Carruur ah waxa uu ahaa Danjirihii Somalia u joogay Kenya muddadii u dhexeysay October 2007-dii ilaa April 2015-kii waxa uu ku haminayaa inuu noqdo Madaxweynaha xilka kala wareegi doono Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

- Advertisement -

Musharaxa Ambassador Americo oo muddo dheer ahaa Diplomaasi   waxa uu u rakaa Dowladda Federalka ee haatan Talada haysa diiradda saartay La-dagaaalanka Khatarta Alshabaab ku hayaan Somalia iyo dalalka deriska, iyadoo ay Xiisad Shaqo La’aan ka dhex jirto Dhallinyarada Soomaaliyeed, loona baahan yahay Dib-u-heshiisiin dhab ah oo laga soo dhisayo gunta hoose.

“Aad baan u fahamsanahay dhibaatadda ay Muwaadiniinta joogta gudaha Somalia, Qurbo-joogta iyo dalalka deriska ku hayso Deganaansho la’aanta ka jirta Somalia” ayuu yiri Musharax Mohamed Ali Americo oo intaasi ku daray haddii loo doorto xilka Madaxweynaha cusub inuu muddo dhowr sanno gudaheeda caadi ku soo celin doono dalka Somalia.Waxa uu intaasi ku daray inuu dejiyey Istaraatijiyad uu wax kaga qaban doono Nabad La’aanta ka jirta Somalia, isla markaana uu ka shaqeyn doono sidii wax looga qaban lahaa Amni la’aanta iyo Shaqo La’aanta hayssata Dhallinyarada Soomaaliyeed.

Si kastaba ha ahaatee, Musharaxa Ambassador Mohamed Ali Americo ayaa rajeynayo inuu Tartan xoog leh u galo Kursiga Madaxtinimadda oo ay kula loolamayaan Siyaasiyiin miisaan culus ku leh Siyaasadda Somalia, oo ay ka mid yihiin Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud,Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’isul-wasaarayaashii hore Mohamed Abdullahi Farmaajo iyo C/weli Sheekh Mohamed iyo Siyaasiyiin kale.

- Advertisement -

©Radio Dalsan

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts