HomeWararHRW oo sheegtay inaan la xiri karin Xeradda Qaxootiga ee Dhadhaab ilaa...

HRW oo sheegtay inaan la xiri karin Xeradda Qaxootiga ee Dhadhaab ilaa laga xasiliyo Somalia.

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Hay’adda u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ee uu Fadhigeedu Dhexe ku yaallo magaalladda New York  ayaa baaqaasi ku sheegtay qoraal ay u dirtay Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka oo booqasho ku tagayo dalka Kenya. Hadallka Qoraalka ee ka soo baxay  Human Rights Watch  waxay ka codsadeen John Kerry inuu mar kale ku bopriyo  […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Hay’adda u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ee uu Fadhigeedu Dhexe ku yaallo magaalladda New York  ayaa baaqaasi ku sheegtay qoraal ay u dirtay Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka oo booqasho ku tagayo dalka Kenya.

Hadallka Qoraalka ee ka soo baxay  Human Rights Watch  waxay ka codsadeen John Kerry inuu mar kale ku bopriyo  Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta inuu ka laabto Qorshaha lagui xirayo Xeradda Qaxootiga ee Dhadhaab oo ah tan ugu weyn Xeryaha Qaxootiga ee ku yaalla Dalalkaa Caalamka.

- Advertisement -

HRW“Waxaan kaa codsanaynaa inaan la xirin Xeraadda Dhadhaab iyadoo aan Deganaansho lagu soo dabaalin Somaalia” ayaa lagu yiri Qoraalka Hay’adda Human Rights Watch.

Madaxweyne Uhuru Kenyattaa ayaa horey u sheegay inay xiri doonaan Xeradaasi oo ay ku jiraan in ka badan 300,000 oo Qaxooti Soomaali ah, kuwaasi oo muddo Rubuc Qarni ku sugnaa Xeradaasi oo ku taalla W/bari Kenya.

Hay’adda Human Rights Watch waxay kaloo sheegtay inay Hay’addaha Ammaanka Kenya Tacadiyo u geystaan Soomaalida laga tirada badan yahay ee ku nool Kenya, iyadoo la diiwaan geliyey ugu yaraan 34 Kiis oo dilal ah.

- Advertisement -

Hay’addu waxay kaloo sheegtay in la la’ yahay 11 qof oo markii ugu dambeysay ku jiray Gacanta Hay’addaha Ammaanka Kenya, iyadoo dadkaasi lagu eedeeyey inay xiriir la leeyihiin Xarakadda Alshabaab.

Sidoo kale, Humaan Rights Watch waxay tilmaamtay inay diiwaan geliyeen inay Boliska Kenya Kufsi, Jirdil, Xarig u geystaan Qaxootiga Soomaalida,kana qaataan  Lacago laaluushah.

Dhinaca kale, Qoraalka ay Hay’adaasi u dirtay Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka waxay ugu vaaqday Dowladdaa Maraykanka inay mudnaan siiyaaan sidii   loola xisaabtami lahaa Ciiddanka Hawlgalka AMISOM ee Tacadiyadda  Kufsiga, jirdilka iyo Weeraradda aan sharciga ahayn ay u geystaan Shacabka Soomaaliyeed.

Hay’addu waxay tilmaamtay inay haatan baaritaano ku hayaan  Fal ay Ciiddanka Ethiopianka bishii July ee la soo dhaafay ku dileen 14 qof oo Rayid ah Hawlgal ka dhacay Gobalka Bay.

Askarta Ethiopia ayaa la sheegay inay dadkaasi ku dileen Hawlgal ay Ciiddanka AMISOM kula jireem Dagaalyahanno Alshabaab oo ku sugnaa Deegaanka lagu dilay dadka  rayidka ah.

© Radio Dalsan

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts