HomeWararCCA oo qabanqaabisay Dood-wadaag looga hadlay Doorka Dhallinyarada ee Hawlaha Siyaasadda.

CCA oo qabanqaabisay Dood-wadaag looga hadlay Doorka Dhallinyarada ee Hawlaha Siyaasadda.

Date:

Related stories

Jabuuti iyo Itoobiya oo Bilaabay Dhuun Shidaal

Jabuuti iyo Itoobiya ayaa bilaabay dhismaha dhuun shidaal oo dhererkeedu yahay 120 KM, taas oo isku xiri doonta Damerjog iyo Dewele, laguna doonayo in lagu fududeeyo gaarsiinta shidaalka.

Farmaajo oo Xasan Sheekh U Baaqay Wada-hadal

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqay wada-hadal siyaasadeed iyo heshiis laga gaaro

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Kulan looga hadlayo Doorka Dhallinyarada Soomaaliyeed ka qaadan karaan Hawlaha Siyaasadda ayaa bishan July 24-dii lagu qabtay Hotelka Maka Al-mukarama ee magaalladda Muqdisho. Xarunta Wacyi-gelinta Bulshadda Soomaaliyeed  (Center for Community Awerness) ayaa qabanqaabisay Dood-cilmiyeedkaasi, oo ay ka qeyb galeen 40 Dhallinyaro. Ka-qeybgalayaasha Kulankaasi waxaa ka mid ah Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa, C/qaadir Dhaqane oo Wasiir […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Kulan looga hadlayo Doorka Dhallinyarada Soomaaliyeed ka qaadan karaan Hawlaha Siyaasadda ayaa bishan July 24-dii lagu qabtay Hotelka Maka Al-mukarama ee magaalladda Muqdisho.

Xarunta Wacyi-gelinta Bulshadda Soomaaliyeed  (Center for Community Awerness) ayaa qabanqaabisay Dood-cilmiyeedkaasi, oo ay ka qeyb galeen 40 Dhallinyaro.

- Advertisement -

Ka-qeybgalayaasha Kulankaasi waxaa ka mid ah Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa, C/qaadir Dhaqane oo Wasiir hore u soo noqday, Siyaasiyiin, Hoggaamiyayaasha Xisbiyadda Siyaasadda, Wakiilo ka kala socda Ururradda Bulshadda Rayidka, Hoggaamiyayaasha Dhaqanka, kuwa Diinta, Haweenka, Dhallinyaradda, Wakiilo ka socday inta badan Warbaahinta Soomaaliyeed iyo qeybaha kale ee Bulshadda.

Kulankaasi waxaa lagu soo bandhigay Aragtiyo lagu xoojinayo Doorka Dhallinyarada ka qaadan karaa Hawlaha Siyaasadda, waxayna Ka-qeybgalayaasha hoosta ka xariiqeen inay Dhallinyaradu yihiin Hoggaamiyayaasha Mustaqbalka.

Qaar ka mid ah xubnaha ka qeyb galay Shirkaasi ayaa la guddoonsiiyey Shahaadooyin Dhiiri-gelin ah, waxaana xubnahaasi ka mid ah:Maxamed Faraax oo u ololeeya dadka Curyaamiinta ee Baahiyaha Gaarka ah qaba.Wuxuuna dhawan bilaabay Olole la yiraahdo “Irridka iga Fur”.

- Advertisement -

Sidoo kale, waxaa Abaalmarin la guddoonsiiyey C/nuur Maxamed oo ah Nin u ololeeya in Dhallinyarada dalka joogta wax bartaan, kana qeyb galaan Hawlaha Bulshadda iyo in laga hortago Tahriibka, Wacyi-gelinta Nabadda, Ka-hortagga Tahriibka iyo Dhaqannadda xunxun.

Waxa Kale oo isku-xir u sameeyey Boqolaal Dhallinyaro oo ku wada xiriira Warbaahinadda ay Bulshaddu ku wada xiriiraan, sida Facebook iyo Twitter.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ayaa isagana ka mid ah dadka la gudoonsiiyey Abaalmarinta, isagoo ku muteystay Dhiirigelinta Dhallinyarada iyo isagoo ka danqada marka Dhallinyarada Tahriibka lagu xiro dalalka dibedaha.

Wuxuuna marar badan gacan ka geystay sidii Dhallinyarada looga sii dayn lahaa Xabsiyada dalalka Caalamka.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Xarunta CCA, Maxamed Ibraahim Cali “Maxamed Cajiib” ayaa ka hadlay Madasha, wuxuuna faahfaahin ka bixiyey muhiimadda Kulamada noocaasi u leeyihiin Dhallinyaraddam wuxuuna tilmaamay inay Hay’adda CCA joogteyn doonto Kulamada noocaasi ah.

Guddoomiye Maxamed Cajiib waxa kale oo uu carrabka ku dhuftay inay Hay’adda CCA dhawaan Kulamo noocaasi ah ku qaban doonaan magaallooyinka Garowe, Cadaado iyo Kismaayo, si loo soo ururiyo Fikradaha Kaalinta Dhallinyarada ka qaadan karaan Hawlaha Siyaasadda.

Si kastaba ha ahaatee, Xarunta Wacyi-gelinta Bulshadda ee CCA waxay ka mid tahay Hay’addaha ka shaqeeya Wacyi-gelinta Bulshadda, Isku-xirka Dhallinyarada, Horumarinta Sport-ga iyo Nabadda.

DSC05323

DSC05290 (1) DSC05309 DSC05290 (1)DSC05291 (1)DSC05309DSC05306DSC05304DSC05302
DSC05291 (1)

©Radio Dalsan

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts