HomeWararMadaxweynaha oo booliska kula dardaarmay inay kasbadaan kalsoonida shacabka,

Madaxweynaha oo booliska kula dardaarmay inay kasbadaan kalsoonida shacabka,

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Ciidammada Booliska Soomaaliyeed ugu baaqey inay kasbadaan kalsoonida shacabka, siina xoojiyaan dadaalkooda ku aaddan sugidda amniga. Madaxweynaha ayaa hadalkan ka jeediyay munaasabad lagu soo gabagabeynayey tababar u socday xubno cusub oo jaamiciyiin ah oo ku soo biiray Ciidanka Booliska oo tiradoodu gaareyso 19. “Waxaa la idin […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Ciidammada Booliska Soomaaliyeed ugu baaqey inay kasbadaan kalsoonida shacabka, siina xoojiyaan dadaalkooda ku aaddan sugidda amniga.
Madaxweynaha ayaa hadalkan ka jeediyay munaasabad lagu soo gabagabeynayey tababar u socday xubno cusub oo jaamiciyiin ah oo ku soo biiray Ciidanka Booliska oo tiradoodu gaareyso 19.
“Waxaa la idin kaga fadhiyaa inaad noqotaan tusaale, isla markaana aad isku xirtaan dowladda iyo shacabkeeda. Waxyaabaha idin fududeyn kara inaad shacabka si hufan ugu adeegtaan waxaa ka mid ah dhowrista anshaxa iyo xeerarka idin degsan’’.
Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyay ciidankan cusub ee ku soo biiray booliska sida ay ugu dhiiradeen iyagoo aqoonyahanno ah inay ku shaqeeyaan xaaladaha adag ee dalka ka jira, waxaana uu ballanqaaday in dowladda ay qaadi doonto tallaabo kasta oo lagu tayeynayo Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
‘’Waxaad tihiin hoggaanka mustaqbalka ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Saraakiisha maddaaleyaasha ee ciidanka booliska qaarkood waxay dalkan u shaqeynayeen ku dhowaad 50 sanno, sidaa darteedna dhalinyarada wax baratey ee booliska ku soo biiraya ayaa ah kuwii beddeli lahaa jiilkaasi hore’’.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goobtaasi min laba xiddigood ku guddoonsiiyay dhalinyarada cusub ee qalin jabisey, isagoo sidoo kale dalacaad iyo abaalmarino kale ku guddoonsiiyay xubno iyaguna ka tirsan booliska.
Waxaa sidoo kale uu Madaxweynaha si rasmi ah u furay tababar layli saraakiil iyo saraakiil xigeeno oo ay ka qeyb qaadanayaan koox cusub oo booliska ku soo biiray.
Munaasabaddan waxaa sidoo kale hadalo ka jeediyay Wasiirka Amniga, Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, S/Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud.
——————DHAMMAAD——————–
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so
www.villasomalia.gov.so

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts