HomeWararKulankii Baarlamaanka ee Maanta oo baaqday kadib codsi ka yimid Madaxweyne Farmaajo

Kulankii Baarlamaanka ee Maanta oo baaqday kadib codsi ka yimid Madaxweyne Farmaajo

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Maanta oo Sabti ah ayaa lagu waday in Xarunta Golaha Shacabka ee Magalada Muqdisho uu ka furmo kulanka Baarlamaanka Soomaaliya kaas oo la isku khilaafsanaa Ajenadaha Maanta kulankaas looga doodi lahaa balse la shaaciyay in uu baaqday. Xiisad ayaa ka dhalatay mooshinkii laga gudbiyey Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya taas ayaana saameyn ku yeelatay guddoonka Golaha […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Maanta oo Sabti ah ayaa lagu waday in Xarunta Golaha Shacabka ee Magalada Muqdisho uu ka furmo kulanka Baarlamaanka Soomaaliya kaas oo la isku khilaafsanaa Ajenadaha Maanta kulankaas looga doodi lahaa balse la shaaciyay in uu baaqday.

Xiisad ayaa ka dhalatay mooshinkii laga gudbiyey Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya taas ayaana saameyn ku yeelatay guddoonka Golaha Shacabka Soomaaliya,iyada oo gudoomiye Jawaari uu sheegay in kulanka looga hadlayo xiisada Balad Xaawo halka gudoomiye ku xigeenka 1aad uu isna sheegay in mooshinka Jawaari laga doodayo.

- Advertisement -

Warar aan helnay ayaa waxa ay sheegayaan in codsi ka yimid Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kulanka Maanta uu u baaqday,waxana xusid mudan in Maanta inta badan Wadoooyinka Muqdisho ay xiran yihiin.

Xalay waxaa shirar iyo Warsaxaafadeedyo soo kala saaray guddoomiye kuxigeenka 1aad Cabduwweli Muudeey oo u sheegay in aan wax hub ah lala geli Karin Xarunta Baarlamaanka halka gudoomiye ku xigeenka 2aad uu isna sheegay in Xildhibaanada ay xasaanad leeyihiin,isla markaana ay isdifaaci doonaan.

Xiisada iyo khilaafka Golaha Shacabka u dhaxeeya ayaa cirka isku sii shareereysa taas oo ka dhalatay mooshinka Jawaari,waxaana haatan jira in kulankii Baarlamaanka uu Maanta baaqday kadib codsi ka yimid Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts