Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo Caawa shir jaara’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Amniga Xarunta Golaha Shacabka Soomaaliya ay siweyn u ilaalin doonaan.
Waxa uu sheegay in Berito siweyn loo hubin doono Xildhibaanada gelaya Xarunta Baarlamaanka.
“Berri Amniga aad aaya loo adkeynayaa, Xildhibaanada lagama ogolaan doono  inay Hub la galaan Xarunta Baarlamaanka, iskaba daayee Xitaa Istakiin ama Findhicil Lama Ogala inay la soo Galaan laakin waa in ay iyaga isabaraan inta aan gacmaha lala gelin ayuu yiri Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Qaasim Axmed Roobleâ€
Tallaabadaan ayaa ku soo aadeysa xili maalinta Berito ah loo bala san yahy in uu furmo kulanka Baarlamaanka Soomaaliya,iyada oo uu jiro khilaaf weyn oo ka dhex jiro guddoonka Golaha Shacabka Soomaaliya.
Goordhow la socda Codka Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya.