HomeWararAkhriso:-Mahad Cawad”Farmaajo wuu gabay Xilkii saarnaa wuuna ogyahay Ciidamada Qabsaday Xarunta Golaha

Akhriso:-Mahad Cawad”Farmaajo wuu gabay Xilkii saarnaa wuuna ogyahay Ciidamada Qabsaday Xarunta Golaha

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad ayaa War qoraal ah oo uu Caawa soo saaray waxa uu kaga hadlay xaalada amni ee Xarunta Golaha Shacabka,isaga oo masuuliyadda Ciidamada la geeyay ku eedeeyey in ay xukuumadda masuul ka tahay Madaxweyne Farmaajana la ogyahay. Xili berito lagu balansan yahay in kulanka Golaha […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad ayaa War qoraal ah oo uu Caawa soo saaray waxa uu kaga hadlay xaalada amni ee Xarunta Golaha Shacabka,isaga oo masuuliyadda Ciidamada la geeyay ku eedeeyey in ay xukuumadda masuul ka tahay Madaxweyne Farmaajana la ogyahay.

Xili berito lagu balansan yahay in kulanka Golaha Shacabka uu ka furmo kulanka Baarlamaanka Soomaaliya ayuu gudoomiye Cawad waxa uu soo saaray qoraal ka kooban 7 qodob oo uu inta badan kaga hadlay Amniga Xarunta Golaha Shacabka.

- Advertisement -

Waxa uu sheegay in Ciidamadaas ay sitoos ah uga amar qaataan Xukuumadda Soomaaliya,isla markaana sisharacdarro ah ay kula wareegeen  Xarunta Golaha Shacabka,iyaga oo kala wareegay ciidamadii xaqa u lahaa sugida Amniga Xildhibaanada iyo xasaanadooda.

Sidoo kale waxaa uu sheegay Gudoomiye Cawad in Maanta Xafiiska golaha Shacabka uu yimid taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya isaga oo wata Warqad lagu farayay taliyaayasha ciidamada Booliska, Nabadsugida iyo taliyaha Ciidamada ilaalada Xarunta Golaha in ay ka amar qaataan gudoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha Cabduweli Ibraahim Muudeey,arintaasina uu ka warqabo Madaxweyne Farmaajo.

Waxa uu ku eedeeyay Madaxweyne Faramajo in uu gabay masuuliyadii ka saarneyd ilaalinta mabaadiida Aas-aasiga ee Dastuurika iyo Shuruucda dalka.

- Advertisement -

Hoos Ka Akhriso War Qoraal oo uu Caawa soo saaray  Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts