Khamrigaan oo ka koobnaa 905 Â Kartoon oo midkiiba ay ku jirto 12 Dhalo ayaa kunteenarkii lagu waday goobta lagu soo bandhigayay ayaa waxaa ku sugnaa Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo Taliyaha Hogaanka ilaalada Canshuuraha Booliska Soomaaliyeed Cabdullaahi Xasan Bariise iyo Maamulka Dekada Muqdisho.
Taliyaha Hogaanka ilaalada Canshuuraha Booliska Soomaaliyeed Cabdullaahi Xasan Bariise ayaa sheegay in nasiib wanaag Gacanta lagu haayo Milkiilihii lahaa Khamrigaan,isla markaana lagu guuleystay in laga soo dhex saaro allaabo lagu soo dhex qariyey,isla markaana Milkiilaha Khamriga dhawaan Cadaalada la horkeeni doono.
“Runtii waxaa nasiib wanaag ah in aan heyno Shaqsigii laha khamriga intaas la eg,waxana idiin sheegaaya in qofkii lahaa uu yahay mid diyaar u ah in la maxkamadeeyo,sidaas daraadeedna Xeer ilaalinta markii ay fasaxdo maxkamad la geyndoono si tallaabo looga qaado ayuu yiri Taliyaha Hogaanka ilaalada Canshuuraha Booliska Soomaaliyeed Cabdullaahi Xasan Bariiseâ€
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa isna dhankiisa waxa uu sheegay in dowladdu ay adkeyn doonto barista agabyada Ganacsi eek as oo dega Dekada Muqdisho si looga hortago waxayabaha maanka dooriyo lagu soo dhex qariyo allaabada dekada ka soo degayo.
Hoos Ka Dhageyso Codadka kana Daawo Sawirrada.
Taliyaha Hogaanka ilaalada Canshuuraha Booliska Soomaaliyeed Cabdullaahi Xasan Bariise
Qoraa Cabduqaadir Jakaarta
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye