Kadib markii ay soo baxeyn Warar sheegayay in qaar ka mid ah Garoomadda Salaxa ee lagu Ciyaaro Kubadda Cagta ay ee ku yaalla qeybo ka mid ah muqdisho iyo dueledkeeda ay mamcuuceyn in lagu ciyaaro Al-Shabaab ayaa waxaa ka hadlay Wasaaradda Amniga Soomaaliya.
Afhayeenka Wasaaradaas Cabdi Casiis Cali Ibraahim Xildhibaan oo Caawa sigaar ah ula hadlay Radio Dalsan ayaa waxa uu sheegay in aysan ogeyn xiligaan in Garoomada Kubada Cagta ee ku yaalla Muqdisho  oo ay xireyn Al-Shabaab.
Waxa uu sheegay in uu uga digayo Milkiilayaasha Garoomadaas in ay qaataan Amarka Al-Shabaab,oo uu sheegay in taasi lagu xuroobay sida uu hadalka u dhigay.
“Runtii anaga ma ogin Garoomada ay Al-Shabaab xireyn dhowr mar ayaan ka hadalnay,laakin shacabka soomaliyeed marhore ayay ka xuroobeyn Al-Shabaab warkaasna maahan mid jira suurtagalna maahan waayo dalka dowlad ayaa ka jirta garoomadeena weey furan yihiin waana lagu ciyaarayaa ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Amnigaâ€
Waxaa wax laga weeydiiyay sida ay ku damaanaad qaadayaan amniga hadii Milkiilayaasha Garoomada ay diidan ammarka Al-Shabaab iyo Su’aalo kale,waxa uuna sheegay in dowladda soomaaliya ay arrintaasi warka soo saari doonto.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Afhayeenka Wasaaradda Amniga Soomaaliya.