Heshiiskan oo Maanta qalinka lagu duugay ayaa waxaa kala saxiixday Wasaarada Beeraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya  iyo shirkada Tika oo laga leeyahay Dalka Turkiga,muhiimada mashruucaan ayaana waxa uu yahay sidii looga faa’iideysan lahaa wabiga shabeelle hanaanka waxsoo saarka beeraha loona hormarin lahaa.
Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar,Safiirka Turkiga ee Somalia, Saraakiil ka socatay Shirkada Tika, Wasaaradaha Beeraha Xukuumada Federaalka Hirshabeele iyo koonfur, Galbeed ayaana marti u ahaa saxiixa mashruucaasi.
Wasiirka Beeraha Xukuumada Federalka Saciid Xuseen Ciid ayaa marka hore qeexay muhiimada Somalia uu u leeyahay mashruucaasi.
“Mashruuca biyo xireenka Saabuuni iyo Keydka Xawaadleey waa msharuuc aad u weyn,waxana Wasaardda Beeraha iyada oo kaashaneysa dowlad goboleedyada ay dib u soo nooleyneysaa kaabayaashii dhaqaalaha,sidaad ogtihiin mararka qaar wabiga wuu qalalan yahay taas oo hoos u dhac u keentay wax soo saarkii dalka ayuu yiri Wasiirkaâ€
Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa goob joog u ahaa heshiiska labada dhinac waxa uuna  rajo wanaagsan ka muujiyay mira dhalka mashruucaasi biya xireynka Wabiga hirshabeele waxa uuna ka hadlay dhowr qodob oo uu xal u yahay heshiiskaasi.
“Ilaa 10 shey oo 8 ka mid ah aan sheegayo,sida in uu wax soo saarku u kordho kobcinta Beeraha iyo helitaanka biyaha sidoo kale in la maareeyo fatahaada wabiga guryihii iyo beerihii baabi’inayo iyo wax badan oo muhiim ah ayuu mashruucan wax ka tari doonaa ayuu hadalkiisa raaciyay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalkaâ€
Wax soo saarta beeraha oo mudo muuqanaya mid  aan laga faaiideysan ayaa waxaa inta badan meelaha ciladu ka taagan tahay waxa ay ahaayeen dhanka Wabiyada oo gura iyo xil roobaadyada oo aan si wanaagsan looga faa’iideysan taasi waxaa sii dheer in wabigii marar qaarna uu fataho mashruucaan ayaana hadii lagu guuleysto fulintiisa waxa door weyn uu ka qaadanayaa Daaqa iyo waraabka oo ah meelaha ugu horeeya ee biya yaridu ay saameyso.
Hoos Ka Dhageyso Codadka kana Daawo Sawirrada.