HomeWararSawirro:-Ciidanka xoogga dalka oo AMISOM ku wareejiyay Hub ay lahaayeen oo laga...

Sawirro:-Ciidanka xoogga dalka oo AMISOM ku wareejiyay Hub ay lahaayeen oo laga soo badbaadiyay Al-Shabaab

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Maamulka Hir-Shabeelle ayaa Maanta waxa uu Saraakiil ka tirsan Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ku wareejiyay hub Jimcihii la soo dhaafay laga soo badbaadiyay Al-Shabaab kadib dagaalkii ka dhacay degmada Balcad. Hubkaan oo u badnaa mid ka culus iyo rasaastooda ayaa Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi waxa ay kaga tageen Wadada Haansheekh ee degmada […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Maamulka Hir-Shabeelle ayaa Maanta waxa uu Saraakiil ka tirsan Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ku wareejiyay hub Jimcihii la soo dhaafay laga soo badbaadiyay Al-Shabaab kadib dagaalkii ka dhacay degmada Balcad.

Hubkaan oo u badnaa mid ka culus iyo rasaastooda ayaa Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi waxa ay kaga tageen Wadada Haansheekh ee degmada Balcad kadib weerar jidgal ah oo ay ku sameeyeen Al-Shabaab taas oo sababtay in Ciidamada AMISOM Gawaari looga gubo.

- Advertisement -

Ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka Soomaaliya ayaa Saacado kadib gaaray halkii uu ka dhacay weerarka,iyaga oo Goobta ka soo qaaday hubkaas oo qaakood uu gubtay.

Goobta Maanta hubka loogu wareejinayay Ciidamada AMISOM ayaa waxaa ku sugnaa Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare, Madaxweyne ku xigeenka Maamulkaas Cali Guudlaawe Xuseen, Taliyaha qeybta 27,aad ee Ciidanka xoogga dalka Maxamuud Macalin Koronto, iyo Saraakiil ka socotay ciidamada AMISOM, taliyaha Booliska Jowhar iyo masuuliyiin kale.

Dhammaan Masuuliyiintii ka socotay Maamulka Hir-Shabeelle ayaa ku dhiirageliyay Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya in ay siiwadaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

- Advertisement -

Sidoo kale saraakiishii ka socotay Ciidamada AMISOM ayaa iyana uga mahadceliyay Saraakiisha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo masuuliyiinta Hir-Shabeelle wadashaqeynta marwalba kala dhaxeysa.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts