Deegaanka Garas-Baaaley ee duleedka Magaalada Muqdisho ayaa saacadihii la soo dháafay waxaa cuduro iyo gaajo ugu geeriyooday dad barakacayaal ah oo ku noolaa kaamam ku yaala deegaankaas.
Dadka dhintay oo u badan Caruur waxa ay ka kooban yihiin 5 qof  badankoodna waxa ay ka soo barakaceen gobalada dalka.
Gudomiye ku xigeenka Arrimaha Bulsahda ee deegaanka Garasbaaley Cabdullaahi Cabdi Maxamuud ayaa sheegay in ay geeriyoodeen 5-qof oo ka mid ahaa Qoysaska Barakacayasha.
Dhinaca kale Xaawa Cabdullaahi Cali oo ah horjoogaha kaamka ay dadka ku geeriyoodeen ayaa sheegtay in xaalad bani,aadinimo oo adag ay heysato dadka danyarta ah ee ku nool duleedka Magalada Muqdisho.
Hoos Ka Daawo Muuqaalka Warkaan ee Dalsan Tv ee uu diyaariyay Abuukar Muxudiin Casahara.
Hoos Ka Daawo Sawirro laga soo qaaday Dadka ku nool Xero Barakac oo ku taalla deegaanka Garas-Baaleey.