Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali (Gaas) ayaa magacaabay Taliyaha ciidanka Booliska Puntland iyo Ku xigeenadiisa, kadib Digreeto ka soo baxday Xafiiskiisa saaka.
Digreeto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo lagu magacaabay Xeer Madaxweyne Lr-04Â January 2018 Taliyaha iyo kuxigeenada koowaad iyo labaad ee Ciidanka Booliska Dawladda Puntland.
Madaxweynaha dawladda Puntland.
Markuu arkay: Â Â Â Â Datuurka dawladda Puntland.
Markuu tixgeliyey: Â Aqoontooda iyo khibradooda shaqo.
Wuxuu xeeriyey:
Waxaa S/GUUTO Cabdulaahi Shire[Dool] loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Boosliska Puntland.
Waxaa G/Sare Cusmaan Xassan Cuuke loo magacaabay Taliye ku xigeenka Labaad ee Ciidanka Booliska Puntland.
Waxaa G/Sare Bile Faarax Cali loo magacaabay Taliye ku xigeenka Koowaad ee Ciidanka Booliska Puntland.
Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxwaynuhu saxiixo wuuna saxiixay.