Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii caadiga waxa ay ku yeelan doonaan Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.
Ajednaha Kulanka Maanta ayaa ah ka doodista Miisaaniyada 2018,oo xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ay maanta ka doodi doonaan intaasi kadibna ay macquul tahay in ay ansixiyaan.
Miisaaniyada dowladda ee 2018 ayaa ka badan tii Sanadkan sii dhamaanaya ee 2017 waxaana markii ugu horeysay Miisaaniyada dowladda lagu soo daray Miisaaniyada dhismaha Xarunta Akeedamiyada Fanka iyo Suugaanta.
Mid ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in dood kadib ay macquul tahay in Xildhibaanada ay ansixiyaan Miisaaniyada dowladda ee 2018.