HomeCaalamkaIn ka badan 100 Soomaali ah oo laga soo musaafurinayo dalka Maraykanka

In ka badan 100 Soomaali ah oo laga soo musaafurinayo dalka Maraykanka

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Mid ka mid ah Dadkaasi oo la hadlay Qareenkiisa ayaa sheegay inay isaga iyo in ka badan 100 qof oo Somali ku xiran yihiin Xarun dadka lagu hayo oo ay Hay’adda Socdaalka Maraykanka ku leeyihiin magaalladda Oakdale ee Gobalka LOUSISIANA ee K/bari ee dalkaasi. Waxa uu intaasi ku daray inay wada sugayaan sidii loogu soo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Mid ka mid ah Dadkaasi oo la hadlay Qareenkiisa ayaa sheegay inay isaga iyo in ka badan 100 qof oo Somali ku xiran yihiin Xarun dadka lagu hayo oo ay Hay’adda Socdaalka Maraykanka ku leeyihiin magaalladda Oakdale ee Gobalka LOUSISIANA ee K/bari ee dalkaasi.

Waxa uu intaasi ku daray inay wada sugayaan sidii loogu soo masaafurin lahaa Somalia, inkastoo aysan ogayn xilliga la dhoofin doono.

- Advertisement -

Sarkaal ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Xoojinta Canshuuraha Maraykanka (ICE) In 7 qof oo Somali ah oo ku xirnaa Xarunta dadka lagu hayo ee Elk River loo wareejiyey loo wareejiyey Xarun ku taalla magaalladda Oakdale ee Gobalka LOUSISIANA.

Qareen Kim Hunter oo ka mid ah Qareenadda u dooday 5 ka mid ah Soomaalida la soo dhoofinayo ayaa sheegay inay dadaal ugu jiraan sidii loo joojin lahaa Masaafurintaasi.

Waxa uu tilmaamay inay inta badan dalalka Europe ee ay ku nool yihiin Qurbo-joog badan oo Somali aysan marnaba dadka u masaafurinin dalka Somalia oo ay u arkaan Waddan ay aad khatar u tahay in lagu laabto.

- Advertisement -

Dhinaca kale,, 5 ka mid ah dadka Soomaalida ee la qorsheynayo in laga soo dhoofiyo Maraykanka ayaa la sheegay inay yihiin dad ku-dhawaad 20-sanno deganaa Maraykanka, isla markaana guursaday Xaasas Somali-Maraykan ah.

Shanta qof ee ay Qareenadooda haatan ku hawlan yihiin inay joojiyaan Masaafurintaasi waxaa magacyadooda lagu kala sheegay: Maxamed Aadan, Yoonis Cali, C/maalik Ramadaan Ibraahim, C/xakiim Maxamed iyo Abuukar Sheekh.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts