HomeCaalamkaMuwaadin Soomaaliyeed oo si khasab ah looga soo masaafuriyey dalka Kanada

Muwaadin Soomaaliyeed oo si khasab ah looga soo masaafuriyey dalka Kanada

Date:

Related stories

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

Hay’adda Dowladda Kanada ugu qaabilsan Hawlaha Muhaajiriinta iyo Adeegga Xuduudaha dalkaasi ee (CBSA) ayaa la sheegay in Muwaadin Somali u soo masaafuriyeen magaalladda Muqdisho, kaasi oo la sheegay in si khasab ah looga saxiixay Dukumentiyadii lagu soo masaafuriyey. Ibraahim Cusmaan Ibraahim ayaa ka mid ah 3 qof oo Kanada laga soo celiyey sannadkan, waxayna Qoyskiisa sheegeen […]

- Advertisement -

Hay’adda Dowladda Kanada ugu qaabilsan Hawlaha Muhaajiriinta iyo Adeegga Xuduudaha dalkaasi ee (CBSA) ayaa la sheegay in Muwaadin Somali u soo masaafuriyeen magaalladda Muqdisho, kaasi oo la sheegay in si khasab ah looga saxiixay Dukumentiyadii lagu soo masaafuriyey.

Ibraahim Cusmaan Ibraahim ayaa ka mid ah 3 qof oo Kanada laga soo celiyey sannadkan, waxayna Qoyskiisa sheegeen in ay Saraakiisha Hay’adda CBSA ku khasbeen inuu saxiixo Dukumenti uu ku sheegayo inuu isagu codsaday in lagu soo celiyo Somalia.

- Advertisement -

Sacdiya Cusmaan oo ay Ibraahim walaalo yihiin waxay walaac xooggan ka muujisay sida Walaalkeeda loogu khasbay inuu saxiixo Dib-u-celin uusan raalli ka ahayn.

Iyadoo la hadlaysay Wargeyska VICE NEWS ayey sheegtay in Walaalkeeda bilowgii bishii hore  ee November dib loogu soo celiyey Somalia, isla markaana uu go’aankiisa ahayn mid Rabitaankiisa ku dhisan.

“Waxa uu ii sheegay inaysan tegitaanka Muqdisho xulashadiisa ahayn xilligan” ayey tiri Sacdiya Ibraahim, oo walaac ka muujisay waxa uu Walaalkeeda kala kulmi doono Somalia.

- Advertisement -

Ibrahim Cusmaan Ibraahim waxaa la sheegay inuu Kanada Qaxooti ahaan ku galay sannadkii 2008-dii, wuxuuna horey  Qaxooti ahaan ugu noolaa dalka Malawi.

Dowladda Kanada waxay Sannadkii 2012-kii kala laabatay Aqoonsigiisa Qaxootinimo, kadib, markii la sheegay inuu weerar u geystay gabadh uu Xiriir la lahaa iyo mid ka mid ah Qaraabadiisa.

Falalkaasi ayaana Sharci ka dhigaya in isaga laga soo masaafurin karo Kanada, inkastoo ay Dowladda Kanada ku adag tahay inay dad u soo masaafuriyaan Somalia ama dalalka kale ee ay dagaallada ka socdaan.

Afhayeen u hadlay Hay’adda CBSA ayaa u sheegay Wargeyska VICE NEWS in qofka la masaafurinayo loo baahan yahay oo keliya inuu qofku saxiixo Qoraalka. Si loogu celiyo dalkiisa hooyo.

Sidoo kale, Xogta Hay’adda Socdaalka Kanada ee CBSA ayaa lagu sheegay in 9 Somali ah laga soo masaafuriyey Kanada sannadkii la soo dhaafay ee 2016-kii, halka 3-kalena laga soo tarxiilay sannadkan 2017-ka.

Dhinaca kale, Hay’adda Socdaalka dalkaasi waxay horey adeegsan jireen Shirkadaha Diyaaradaha inay dalalka deriska la sh Somalia ka sii qaadaan  dadka loo soo masaafurinayo Somalia.

Wargsyeka VICE NEWS ayaa qoray in Shirkadda African Express Airways horey u ballan qaaday inay qaadi doonaan dadka Soomaalida ee laga soo celinayo Kanada, haddii ay saxiixaan Dukumentiga Dhoofka, ee dib loogu soo celinayo Somalia, balse Hay’adda Socdaalka Kanada ma xaqiijinin arrintaas.

Xigasho: news.vice.com

 

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories