Maxamed Cabdullahi Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya Soomaaliya ayaa Maanta ka duulay Garoonka Dyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho isaga oo ku sii jeeda Caasimadda dalka Suudaan ee Khartuum.
Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa oo ay ka mid yihiin Wasiiradda Arrimaha Dibedda, Maaliyada, Beeraha, Dhallinyarada iyo Sport-ga ayaa kulan la qaadan doonaan Madaxweynaha dalka Sudan, Omar Hassan Albashiir iyo Ra’isul-wasaare Bakri bin Hassan Salah. Kulankaasi ayaa looga hadli doonaa xoojinta xiriirka labada dal, Xaalladda Gobalka iyo Xiriirka Caalamiga.ee ay sida wadajirka uga walaavsan yihiin.
Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdigiisa waxaa la filayaa inay soo booqdaan qaar ka mid ah Wershadaha iyo Hay’addaha Waxbarashadda ee dalka Sudan.
Dhinaca kale, Labada Madaxweyne ayaa la filayaa inay si wadajir ah Shir Jaraa’id ugu qabtaan Qasriga Madaxtooyadda ee magaalladda Khartoum.
si kastaba ha ahaatee, waa markii ugu horreysay ee uu Madaxweyne Farmaajo booqdo dalkaasi, tan iyo markii uu xilka Madaxtinimadda loo doortay bishii February ee sannadkan.