Kooxo bustoolado ku hubeysan , ayaa xalay toogasho ka gaystay Bartamaha Magaalada Boosaaso, ka dib markii ay rasaas ku fureen  dad fadhiyay goob lagu shaaho.
Waxaa la xaqiijiyay in ugu yaraan uu hal qof ku geeriyooday goobtaasi iyo dhaawaca laba kale, oo midi uu yahay Taliye Kuxigeenka Saldhiga Baalade ee Magaalada Boosaaso, C/raxmaan Barre Saalax.
Goobjooge-yaal, ayaa sheegay inay baxsadeen dembiile-yaasha, waxaana daqiiqado ka dib goobtaasi gaaray ciidamada ammaanka Puntland kuwaas oo ilaa saakay howlgal halkaasi ka wada.
Warbaahinta ku hadasha afka Kooxda Daacish ee isu magacaabay (Dowladda Khilaafada Islaamka), ayaa baahisay in weerarkaasi ay gaysteen xubno ka tirsan dagaal-yahanadooda.
23-kii bishii May, ayay ahayd markii ay Daacish sheegatay masuuliyadda weerar ismiidaamin ahaa, oo xilligaa ka dhacay Magaalada Boosaaso.