Dhacadaan ayaa ka dhacday Wadada ka timaada Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada muqdisho kadib markii Haweeneey uu sibareer ah u jiiray mid ka mid ah Gawaarida ciidamada ASMIOM xili Wadada mareysay.
Dadka deegaanka qaarkood oo arrintaan ku soo baxay ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in Haweeneyda oo ka mid aheyd Ganacsatada qaadka uu soo gaaray dhaawac culus isla markaana loola cararay mid ka mid ah Isbitaalada ku yaalla Magaalada muqdisho.
Ugu dambeyn Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo goobta gaaray ayaa la sheegay in ay qabteen Gaarigii Haweeneyda halkaasi ku jiiray iyo Darawalkii waday.
Dhawaan gudoomiyaha Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed ayaa la kulmay madaxda Midowga Afrika ee AMISOM isaga oo kala hadlay dhibaatada mararka qaar Gawaarida AMISOM ay dadka rayid ah u geestaan