Wararka aan ka heleyno degmada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka socdo dagaal u dhaxeeya Ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda oo dhinac ah iyo Al-Shabaab.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii Al-Shabaab ay wadada u galeen Ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda oo marayay duleedka degmada Garbahaareey.
Dagaal la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa haatan ka socda duleedka Garbahaareey,waxaan jirin ilaa iyo hada jirin cid sirasmia ah u xaqiijisay khasaaraha ka dhashay dagaalkaas.
Qaar ka mid ah dadka ku nool degmada Garbahaareey ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in ay haatan maqlayaan jugta Culus,islamarkaana uu jiro gurmadyo kala duwna oo ay wadaan labadan dhinac.