Ciyaaryahan  ka tirsanaa kooxda kubadda Cagta ee Elman ayaa  geeryooday, labo kalana way dhaawacmeen kaddib markii Gaari ay saarnaayeen ay kooxda Al Shabaab wadada u galeen oo ay rasaas oodda kaga qaadeen. Gaariga ayaa marayay deegaanka CALAMADA, wuxuuna ku sii jeeday degmada afgooye ee gobolka Shabellaha hoose.
Macada sababta Gaariga ay u rasaaseeyeen Al-Shabaab  waxaana  Gaariga uu ka tagay Magaalada Muqdisho isagoo ku sii jeeday degmada Afgooye waxaana saarnaa Ciyaartoy ka tirsan Kooxda ELMAN,waxaana halkaasi ku geeriyooday Tabare ku xigeenkii Kooxda Bariga Dhexe oo ka dhisan Degmada Afgooye,oo lagu magacaabi jiray Macalin Yuusuf sidoo kale waxaa dhaawac soo gaaray laba Ciyaartoy oo ka tirsan Kooxda  ELMAN.
Dhaawaca Ciyaartoyda ayaa waxaa lagu dabiibayaa Isbitaal ku yaalla Magaalada Muqdisho,iyadoo xaaladooda Caafimaad lala tacaalayo.
Weli majirto cid cadeysay sababta loo rasaaseeyay Gaariga balse waxaa la sheegay in deegaana Calamada Maalmihii u dambeysay Ciidamo ka tirsan dowladda Somaaliya ay Gaadiidka uga qaadanayeen lacago baad ah kadib markii laga joojiyay Isbaarooyinkii u yaallay.
Hadaba Wariye Abuukar Mayoow Jeylaani oo kamid ah Wariyaasha degmada Afgooye arintaana la socday ayaan ka wareysanay.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga