Haweeneydaasi oo lagu magacaabo Sandy Phan-Gillis ayaa la sheegay in shalay loo masaafuriyey Maraykanka, kadib, markii ay Maxkmaad la’aan xirneyda muddo 2-sanno ah.
Haweeneydaasi waxaa Shiinaha lagu xiray bishii March ee sannadkii 2015-kii, kadib, markii lagu helay falal basaasnimo.
Saygeeda ayaa ka sheegay magaalladda Los Angels ee dalka Maraykanka inay Shiinaha xaaskiisa ku eedeeyeen inay 2 jeer booqasho basaasnimo ku timid Shiinaha sannadkii 1996-dii iyo inay Hay’adda FBI-da kala shaqeynaysay sidii loo qaban lahaa Basaasin u dhalatay dalka Shiinaha.
Wada-xaajoodkii lagu si idaayey Haweeneydaasi waxaa ka qeyb galay Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka oo bishii March booqasho ku tegay magaalladda Pejing.
©Radio Dalsan