Saraakiisha dalkaasi ayaa sheegay inay 4 qof ku geeriyootay, 8 kalena ku dhaawacantay qaraxaasi oo lala beegsaday Saldhig Bolis oo ku yaalla Degmadda Karaada ee magaalladda Baqdaad.
Weerarkaasi waxaa fuliyey Nin watay gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa, said ay sheegeen Saraakiisha Boliska iyo kuwa Isbitaalladda.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalkaasi, Sacad Man ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka AP inay 3 qof oo keliya ku geeriyootay qaraxaasi.
Weerarkaaasi ayaa yimid iyadoo ay Milliteriga Dowladda Iraq dagaal kula jiraan sidii Maleeshiyadda Kooxda Daacish looga saari lahaa Galbeedka magaalladda Mosul.
©Radio Dalsan
Â