Ilaa 1,500 Maxaabiis Siyasadeed ayaa maanta bilaabay Gdood Cunto-ka-soomid lagu xusuusnayo Malinra Maxaabiista Falastiiniyiinta ku xiran Yuhuudda.
Gadoodkan Cunto-soomid ayaa ah tii ugu ballaarnaa ee dhac sanooyin kadib, waxaana Kacdoonkaasi hoggaaminayo Siyaasiga Marwaan Barquuti oo ka tirsan Jabhadda Al-Fatax ee Falastiin.
Sannadkii 2014-kii, 800 Maxaabiis Falastiiniyiin ku xiran Xabsiyadda Yuhuudda waxay cuntada ka soomeen muddo 63-cisho, ka hor inta aan la gaarin Heshiis ay ku soo af-jareen Gdoodkasi.
6,.500 Maxaabiis Falastiiniyiin ah ayaa la sheegay inay haatan ku xiran yihiin ilaa 6 Xabsi oo ku yaalla gudaha Yuhuudda.
©Radio Dalsan