Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa u xaqiijiyey Radio Dalsan in Amar lagu bixiyey  in la xiri karo Madaxda Urur-diimeedkaasi ee ka soo dega ama ka dhoofaya Garoonka Caalamiga ee Aadan Cadde ee magaalladda Muqdisho.
Koox Diimeedkaasi ayaa waxaa dhawaan looga dhawaaqay dalka Masar iyo dalal kale, iyadoo Shaqsiyaad kalena kaga dhawaaqeen magaallooyinka Muqdisho, Bosaaso iyo Hargeysa.
Wasiirka Warfaafinta ee XFS, Eng. C/raxmaan Yariisow ayaa sheegay in Urur-diimeedkaasi yahay mid loogu talagalay in khalkhal lagu geliyo Deganaanshaha dalka.
Dhinaca kale, Maamulladda Puntland iyo Somaliland waxay amar ku bixiyeen in Xabsiga la dhigo kooxaha ka tirsan Urur-diimeedka la magac baxay Asaaciduun Bil Xaq.
©Radio Dalsan
Â