Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan, gaar ahaan deeganka Qod-qod ayaa ku waramaya in xaalad dhinac nolosha oo aad u daran ay ka taagantahay degaanka, islamarkaana dad badan ay qarka u saaranyihiin inay gaajo iyo haraad u dhintaan.
Guddoomiyaha deegaanka Qod-qod Cabdulaahi Cabdi Indhooy, ayaa Radio Dalsan u sheegay in Abaar daran ay ka jirto deegaanka, islamarkaana dadka ay ku noolyihiin xaalado adag, waxaana uu ugu baaqay qofkastaa inuu caawiyo dadkaasi, si loo badbaadiyo nolosha dad badan oo halis ugu jira Abaarta.
Halkaan hoose ka dhageyso Codka.