Guddoomiyaha degmada Wadajir Axmed Cabdulle Afrax ayaa Radio Dalsan u sheegay in laba ka mid ah koox hoobiyayaal ku tuuray goor dhaweyd qeyba ka mid ah degmada Wadajir la toogtay, islamarkaana uu xusay in ciidamdu ay ka hortageen falkaasi.
Guddoomiyaha ayaa sidookale sheegay in gacanta lagu dhigay gaari ay wateen raggaasi, laakiin uu qarxay waxyar kadib markii ay qabteen ciidamada.
Dhinacakale waxaa uu tilmaamay in hoobiyayaasha ay tureen raggaasi in ay ku dhaawacmeen Shan ruux oo uu tilmaamaya inay ahaayeen dad shacab ah.
Halkaan hoose ka dhageyso Codka.