Dabley wadatay mootooyin ayaa la sheegay inay ugu yaraan 17 qof oo badankooda Haween iyo Carruur ahaa ku dileen weeerr ka dhacay Degmadda Zaki Biyam ee Gobale Benue ee Bartamaha dalkaasi.
Afhayeenka Boliska, Moses Yamu ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka AFP inay dableyda rasaas ku fureen dad Beeraley ah, isla markaana ay Dhismooyin dab qabasiiyeen .
Warbaahinta Deegaanka waxay tirada dhimashada gaarsiiyeen in ka badan 50-qof, balse ma jiraan warar xaqiijinaya arrintaasi.
Weerarkaasi ayaa la sheegay inuu qeyb ka yahay muranka ka taagan Xuquuqda dhulka daaqsiimadda ee loogu talagalay Baadka Xoolaha.
©Radio Dalsan