Gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa lagau dhuftay Bar-koontorool oo ciidamada Dowladdu ay ku leeyihiin Isgooyska Xaawa-taako ee magalada Muqdisho waxaana aka soo baxaya warara kala duwan.
Goobjoogayaala ayaa u shaeegay Radio Dalsan in gaariga qarax fuliyaya uu ahaa Caasi isla markaana uu aad ugu dhawaaday Koontoroolka ciidamada  oo ku yaal dhinaca wadada aada Boondheere ee geesta ku heysa Golaha Murtida iyo Mada’daalada Qaranka.
Waxaa la shaeegaya in ay ku dhinteen qaraxaas  dad ka badan 5-Qof oo iskugu jiray Askar, Shacaab, goobta maraayay iyo Haween qaad ku iibinayay  nawaaxiga Isgooyska Xaawa-Taako oo ah meel aad u mashquul badan.
Ku dhawaad 10-Qof ayuu sheegay Afhayeenka maamulka gobalka Banaadir in aya ku wax yeeloobeen qaraxa ka dhacay Isgoyska Xaawo-Taako ee magaalada Muqdisho.
Dhica kalaana waxaa burburay qeyb ka mida guriga Hooyooyinka Tiyaataraka Qaranka iyo guryo dad Shacaba ay lahayeen oo ku yaal Aaaga uu qaraxau ka dhacay.
Afhayeenka Gobalka Banaadir ayaa sheegaya in khsaaruhu uu intaa ka badan laha laakainn waxa uu sheegay in Gaariga oo ahaa Hoomeey uu isku dhigaya Askari ka tirsan Ciidaaaaamada Dowladda Fedraalka oo joojiyay Gaariga.