Waxaa goor dhow uu ku dhawaaqay ra’isul wasaare Xassan Cali Kheyre golaha wasiirada cusub ee xuukuumada 26 wasiir, 26 ku xigeeno ,iyo 15 wasiiro dowlayaal.
Ra’isul wasaaraha cusub oo in dhawaanahan laga sugayey Gole xukuumad taya leh ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay liiska golihiisa wasiirada cusub
Wasiirada cusub ee la magacaabay aya u badan xubno cusub, iyada oo ay ku jiraan siyaasin hore u soo qabtay xilal kala duwan, waxaana, Dhawaan ay hortagi doonaan baarlamaanka, si loo ansixiyo,iyadoo ay horyaalaan arima badan oo u baahan wax ka qabasho, sida abaarta daran ee ka jirta dalka, amaanka iyo shaqooyinkii caadiga ahaa ee wasaaradaha xukuumada.
Halkaan Ka Dhageyso Codka Ra”isulwasaaraha iyo Afhayeenka Xukuumadda ee ku dhawaaqiska Liiska Golaha Wasiirada Cusub.