HomeWararMadaxweynaha oo xariga ka jaray dhisamaha Wasaaradda Maaliyadda

Madaxweynaha oo xariga ka jaray dhisamaha Wasaaradda Maaliyadda

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa  xariga ka jaray Wasaaradda Maaliyadda oo in mudo ah dhismo ku socday, waxaana xaflada ka soo qayb galay, Wasiiro, Xildhibaano, Taliyayaasha Ciidamada, Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha, iyo Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda. Ugu horayn Wasiirka Maaliyadda XFS mudane Maxamed Aden Ibraahim Farkeeti ayaa sheegay in uu maanta ku […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa  xariga ka jaray Wasaaradda Maaliyadda oo in mudo ah dhismo ku socday, waxaana xaflada ka soo qayb galay, Wasiiro, Xildhibaano, Taliyayaasha Ciidamada, Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha, iyo Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda.

Ugu horayn Wasiirka Maaliyadda XFS mudane Maxamed Aden Ibraahim Farkeeti ayaa sheegay in uu maanta ku faraxsan yahay in ay rumooday riyadii madaxweynaha oo ahayd inuu dib u dhis ku sameeyo Wasaarada Maaliyadda inta uu xafiiska joogo iyo in uu qabsoomo tiir ka mid ah Lixdii tiir ee Madaxweynaha

- Advertisement -

“Waxaana niyada gashtay in Wasaaradda Maaliyadda aan dib u dhiso inta aan xafiiska joogo si shacabka loogu fududeeyo adeegyada ay uga baahan yihiin Wasaaradda oo hada madaxtooyada oo si KMG ah ugu shaqeeyso. Waxaa xusid mudan in aan haysanay lacag laba milyan oo doolar ah, oo ay dowladda Sweden noogu deeqday, waxayna soo jeediyeen shirkado shisheeya ah in la dumiyo dhismahaan, waxaanse go’aan ku gaarnay in Wasaaradda ay bixiso lacagta lagu dayactirayo dhismahaan halkii laga dumin lahaa, lacagta kalana waxaan ku dhisamaheeda ku bilaabaynaa bisha soo socota Wasaaradda Lacagta” Ayuu yiri Wasiirku .

Madaxweynah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xassan Sheekh Maxamuud ayaa xirtitaanka xaflada sheegay in ballanqaadkii lixda tiir ay ka mid ahayd hagaajinta Nidaamka Maaliyadda Dalka, maantana lagu guulaystay tiirkaas.

“Waxaa faraxad weyn ah in maanta si xowli ah dalka dib u soo kabanayo, waana meeshii labaad oo aan maanta furo. Afar sano ka hor waxaan ballan qaadnay in lagu samaynayo dib u habayn maamulka maaliyadda dalka, waana ku faraxsanahay meesha ay maanta waxa marayaan, waxaana maanta howl galay dhamaan hay’adihii dowlada isla markaana wada shaqayn buuxdana leh” ayuu yiri Madaxweynaha.

- Advertisement -

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in la hirgeliyey nidaam lagu aggoon karo dhaqdhaqaaqa maaliyadda ”Waxaa lagu tallaabsaday nidaam electronic ah oo aan waxba laga khaldi karin, dhaq dhaqaaq maaliyadeed oo kastana la oggaan karo sida uu u dhacay iyo cida samaysay. Waxaa meesha laga saaray lacagtii cadaanka ahaa ee la isticmaali jiray, Wasaaradda Gashaandhiga iyo tan maaliyadda oo is kaashanaya ayaa ku howlan in ciidanka loo sameeyo nidaam ay mushaarka ku qaataan”.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa ka kooban 86 qol waxaana dayactirkeedu socday mudo hal sano ah. Wasaaradda ayaa uga fa’iidaysanaysa in shaqaalaha ay helaan xafiisyo ay ku shaqeeyaan, waxaana dadka shacabka u fududaynaysaa in ay adeegyadooda si sahlan ugu yimaadaan wasaarada.

—–Dhammaad–

IB0A7924
IB0A7759
IB0A7791
IB0A7852
IB0A7866
IB0A7910
Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts