HomeWararSaalax Badbaado “Madixii Camaliyaadka Istish-haadka ee Alshabaab”.

Saalax Badbaado “Madixii Camaliyaadka Istish-haadka ee Alshabaab”.

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Ex-Xildhibaan Saalax Nuux Ismaaciil “Saalax Badbaado” ayaa ka mid ahaa Shaqsiyadakii Alshabaab ee shalay isku qarxisay Xarunta AMISOM ee u dhow Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalladda Muqdisho. Warbaahinta Alshabaab ayaa shaacisay Taariikh Nololeedka Saalax Badbaado oo Alshabaab ku biiray sannadkii 2010-kii. Waxa uu sannadkii 1960-kii ku dhashay Degmadda Gar-adag ee Gobalka Sanaag, wuxuuna Waxbarashadiisa […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ex-Xildhibaan Saalax Nuux Ismaaciil “Saalax Badbaado” ayaa ka mid ahaa Shaqsiyadakii Alshabaab ee shalay isku qarxisay Xarunta AMISOM ee u dhow Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalladda Muqdisho.

Warbaahinta Alshabaab ayaa shaacisay Taariikh Nololeedka Saalax Badbaado oo Alshabaab ku biiray sannadkii 2010-kii.

- Advertisement -

Waxa uu sannadkii 1960-kii ku dhashay Degmadda Gar-adag ee Gobalka Sanaag, wuxuuna Waxbarashadiisa ilasa Dugsiga Sare ku soo qaatay magaallooyinka Sheekh, Ceerigaabo iyo Hargeysa.

Markii uu Alshababa ku biiray waxa uu ka qalin jebiyey Machadka Culuunta Sharciga ee Cabdalla Casaam ee ay Hoggaanka Alshabaab asaaseen.

Waxa  uu ka soo shaqeeyey Goballadda Jubbooyinka iyo kuwa kale ee ay Alshabaab haysteen,wuxuuna haatan Madax ka ahaa Maktabka Istish-haadka ee Xarakadda Alshabaab.

- Advertisement -

Madaxii Istish-haadka ee Alshabaab waxa uu shalay ka mid noqday labadii qof ee isku qarxisay Xarunta AMISOM, waxayna Warbaahinta Alshabaab sheegeen inuu Saalax Badbaado kaxeynayey mid ka mid ah gaadiidkii loo adeegsaday Is-qarxintaas.

Si kastaba ha ahaatee, Saalax Badbaado ayaa laga hayaa xusuus ku aadan Xilligii uu ka goostay Barlamaankii Dowladdii KMG, isagoo Barlkamaanka ku tilmaamay inay xubno ka yihiin dad gaallo ah.

Waxaa kaloo lagu xusuusan doonaan Isbedelka Aragtidiisa  iyo Dhaqdhaqaaqyadiisa muddadii uu ka tirsanaa Alshabaab (2010-kii ilaa 2016-ka) iyo Falkii Is-qarxinta ee uu ku geeriyooday.

©Radio Dalsan

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts