HomeWararHoggaamiye Beeleedyo qaadacay Caleema-saarkii Ugaaska Beesha Xawaadle.

Hoggaamiye Beeleedyo qaadacay Caleema-saarkii Ugaaska Beesha Xawaadle.

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Iyadoo maanta magaalladda Beled-weyne lagu caleemo saaray Ugaaska Beesha Xawaadle, Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble ayaa waxaa haddana jira Hoggaamiye Dhaqameedyo  badan oo sheegay inay qaadaceen Munaasabadaasi. Ugaas C/llaahi Ugaas Saalax Ugaas Cali oo ka mid ah Duubabka Dhaqanka ee Beelaha Mudulood ayaa faahfaahin ka bixiyey sababaha ay u qaadaceen Munaasabadaasi oo horey loogu […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Iyadoo maanta magaalladda Beled-weyne lagu caleemo saaray Ugaaska Beesha Xawaadle, Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble ayaa waxaa haddana jira Hoggaamiye Dhaqameedyo  badan oo sheegay inay qaadaceen Munaasabadaasi.

Ugaas C/llaahi Ugaas Saalax Ugaas Cali oo ka mid ah Duubabka Dhaqanka ee Beelaha Mudulood ayaa faahfaahin ka bixiyey sababaha ay u qaadaceen Munaasabadaasi oo horey loogu casuumay.

- Advertisement -

Ugaas C/llaahi Ugaas Saalax Ugaas Cali oo la hadlay Radio Dalsan ayaa xaqiijiyey inay Duubab badan qaadaceen Caleema-saarka Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble, wuxuuna tilmaamay inay Ugaaska Beesha Xawaadle horey kala kulmeen Xushmad la’aan, waa sida uu hadalka u yiri.

Waxa uu intaasi ku daray in Duubab Dhaqameedyo horey u tegay magaalladda Beled-weyne kala kulmeen Ugaas Xasan Ugaas Khaliif arrin Karaamo-darro ah, isla markaana aan wax raalli-gelin ah ilaa haatan laga siinin xadgudubkaasi.

Dhinaca kale, Ugaas C/llaahi Ugaas Saalax Ugaas Cali oo ka mid ah Duubabka Dhaqanka ee Beelaha Mudulood waxa uu tilmaamay inay Duubabka Dhaqanka ee Beelaha Mudulood, Gaaljecel, Baada-cadde, Jiidle, Shiikhaal iyo Dagoodi aysan ka waada qeyb gelin Munaasabadda maanta lagu caleemo saaray Ugaaska Beesha Xawaadle, Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble.

- Advertisement -

©Radio Dalsan

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts