HomeWararMadaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha oo wufuud caalami ku qaabilay Muqdisho

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha oo wufuud caalami ku qaabilay Muqdisho

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Muqdisho, 23 July 2016 (Villa Somalia)—-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada qaabiley wufuud kala duwan oo ka kala socday caalamka. Waxaa Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay qaabileen Taliyaha Cusub ee Ciidammada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM General Cusmaan Subagle oo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Muqdisho, 23 July 2016 (Villa Somalia)—-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada qaabiley wufuud kala duwan oo ka kala socday caalamka.

Waxaa Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay qaabileen Taliyaha Cusub ee Ciidammada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM General Cusmaan Subagle oo dhowaan xilkaasi loo magacaabey.

- Advertisement -

Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya, Ambassador Francisco Caetano Jose Madeira, ayaa Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha u sheegay in General Subagle uu yahay sarkaal khibrad badan leh oo hawsha loo magacaabey si hufan uga soo dhalaali kara.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay gacan buuxda ku siin doonto General Subagle gudashada waajibaadkiisa.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale kulan la qaatay Mr Saroj Jha iyo Mr Amara Konneh oo ka mid ah saraakiisha sare ee Bankiga Adduunka ugu qaabilsan barnaamijyada horumarinta ee dalalka colaadaha ka soo kabanaya.

- Advertisement -

Madaxweynaha ayaa saraakiisahaasi ka socotey Bankiga Adduunka oo uu wehliyo Wakiilka Bankiga Adduunka ee Soomaaliya Mr Hugh Riddell uga warbixiyey xaaladda dhaqaalaha Soomaaliya iyo horumarka laga sameynayo.

Madaxda Bankiga Adduunka ayaa ballanqaadey inay ka go’an tahay inay si buuxda Soomaaliya ula shaqeeyaan, si loo xaqiijiyo inuu dalku ku najaxo barnaamijyadiisa kobaca dhaqaalaha iyo dib u dhiska kaabeyaasha.

Waxaa sidoo kale Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay kula la yeesheen saraakiil ka tirsan booliska dalka Mareykanka oo dalka u yimid xoojinta wadashaqeynta ka dhexeysa booliska labada dal.

Saraakiisha ka socotey Mareykanka oo kala ah Hugo McPhee iyo John M. Harring ayaa sheegay in dowladda Mareykanka oo horeyba dhinaca tababarada ka caawineysey Soomaaliya, ay haatan diyaar u tahay inay bilowdo barnaamijyo ay labada dal isku weydaarsanayaan khibradaha shaqo iyo tiknoloojiyadda casriga ah.

——————–DHAMMAAD———————
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so
www.villasomalia.gov.so

IB0A1291
IB0A1331
IB0A1367
IB0A1348
WORLD BANKSSSS
Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts